Berbera: Somaliland oo la degtey hubkii saarnaa markabka [DAAWO]

Image
Image
Image

February 2, 2015 (GO)- Maamulka Somaliland ayaa la degey hubkii saarnaa markabka MV Shakir ee todobaadkii hore kusoo xirtey dekedda magaalada Berbera.

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo maanta shir-jaraa'id Berbera ku qabtey, ayaa xaqiijiyey in dhulka lasoo dhigey dhammaan gaadiidkii iyo hubkii uu markabkaasi wadey. Waran-cadde faah faahin kama bixin sababta loo dejiyey hubka.

"Waxan doonayaa inaan halkan ka cadeeyo markabkii MV Shakir ee hubka sidey inaan hubkii ka rogney xalay, hubkaasina ahaa mid sharci darro ah" ayuu yiri.                                                                                                                                           

Yaa leh hubka?

Mar la weydiiyey inay macluumaad dheeri ah ka hayaan hubkaas iyo halka loo wadey, wuxuu sheegay inay jiraan mas'uuliyiin kala soo xiriiray dalka Sudan, halkaasoo hubkan markiisii hore laga soo raray.

Eedeynta Puntland waa been abuur!

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-Cadde wuxuu dhanka kale si kulul uga jawaabey eedeyntii uga timid Puntland, wuxuuna sheegay in Wasiirka Amniga Puntland u gefey qaranka Somaliland islamarkaana ku hadalay ereyo wax u dhimi kara cilaaqaadka labada dhinac iyo nabadgelyada, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Puntland ayaa walaac ka muujisey hubka Berbera laga soo dejiyey iyadoo ku doodey inuu halis gelin karo ammaanka gobolka Geeska Afrika, islamarkaana ay suurogal tahay inuu gacanta u galo kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta buuraleyda Golis.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM