Beyle oo hadlay caqabadaha daabicista lacag cusub iyo musuq-maasuqa

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa bixiyay wareysi gaar ah, oo uu kaga hadlay eedeymaha musuq-maasuqa loo jeediyay, daabicista lacagta cusub iyo arrimo kale.

- Caqabadaha Daabicista lacagta cusub -

Wasiirka oo Wareysi siiyay VOA-da laanta afka Soomaaliya ayaa sheegay in Xukuumadda ay wado dedaallo lagu hirgelinayo qorshaha daabacaadda lacagta cusub ee Shilin Soomaaliya, taasoo ay ka caawinayso IMF [Hay'adda lacagta Adduunka].

Beyle ayaa qiray in caqabadda ugu weyn ee ku hor-gudban yihiin daabacaadda, kadib markii loo baahday lacag gaareysa $41 million [Afartan iyo Kow Milyan oo dollar], taasoo aysan awoodin inay bixiso dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda aysan awoodin lacagtan, xilli ay soo gasho lacago badan oo dalalka deeq-bixiyaasha iyo kuwa kale oo Sacuudiga, Qadar iyo Turkiga ay kamid yihiin ay siiyeen tan iyo sanadkii tagey.

"Maya...maya...maya, ma daabacan karto dowladda, afar iyo kow milyan oo meel yaalla, oo aan ahayn lacagta kabka ee lagu kabayo socod siinta dowladda oo meeshaas lagu daabici karo ma jirto," ayuu yiri Beyle.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Beyle ayaa daboolka ka qaadey in deeq-bixiyaasha, IMF iyo Bangiga Adduunka ay ka sugayaan inay ka bixiyaan lacagta cusub kharashkii lagu soo daabaci lahaa, maadaama dakhliga dowladda uusan ka badneyn bixinta mushaaraadka shaqaalaha iyo ciidamada.

Illaha dhaqaalaha dowladda ugu weyn hadda waxa ay ka yimaadeen dekadda Muqdisho iyo Garoonka diyaaradaha.

- JAGADA GUDOMIYAHA BANGIGA DHEXE -

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in wali dowladda ay raadinayso qof ku haboon qabashada xilka Gudoomiyaha Bangiga Dhexe, iyadoo aysan kala saareynin Soomaali iyo Ajnabi.

Jagadan ayaa mudo billooyin kahor lagu xayeesiiyay baraha Internet-ka iyo warbaahinta gudaha iyo caalamiga, waxaana wali jirin qof loo magacaabey shaqadan, waxaana Beyle uu sheegay in dhawaan booskan la buuxin doono.

Wuxuu sheegay in dowladda lagula taliyay inay shaqaaleysiiso qofka ugu wanaagsan ee ka shaqeyn kara horumarinta dhaqaalaha dalka, islamarkaana ay fiirin shaqsiga la qaadanayo dalka uu u dhashay.

WARBIXINTII GUDDIGA MAALIYADDA

Gudigga Maaliyadda ee Gollaha Shacabka ayaa dhawaan soo saarey warbixin lagu shaaciyay in musuq-maasuq lagu sameeyay deeq lacageed oo Sacuudiga dowladda uu siiyay 2017 taaso oo cadadkeedu gaarayo $50 milyan oo dollar.

Lacagtan ayaa sanadkii tagey laga isticmaalay $30 milyan, oo miisaaniyadda sanadkaasi lagu kabay, balse aan la heynin inta hartay oo $20 milyan ah, taasoo Beyle 2017 balan-qaadey inuu kusoo darayo miisaaniyadda 2018, balse uusan sameynin.

Mar wax laga waydiiyay Beyle warbixinta Guddigga ayaa sheegay in Bangiga Dhexe ay ku jirto $15 milyan oo dollar, inta kalena ay dowladda u isticmaashay kabid lagu kabay dakhliga bil kasta ku baxa hay'adaha dowladda.

Beyle ayaa gaashaanka u daruuray su'aal ahayd in dhaqaalaha soo gala dowladda iyo deeqaha dibadda ay ku furdaamiso siyaasadda, marka uu is-qab-qabsiga iyo mooshinada kuwoo fooraraan.

Warbixintii Guddiga Maaliyadda ee Gollaha Shacabka ayaa noqotay bam siyaasaseed lagu qarxiyay barnaamijkii Xukuumadda Khayre ee ah inay ku guuleystay mudadii xafiiska joogtay inay dib u habeyn ku sameyso hanaanka maaliyadda dalka iyo la dagaalanka musuq-maasuqa.

Waxaa sidoo kale Guddiga Baarlamaanka u qaabilsan la socodka maaliyadda uu ku eedeeyey maamulka Gobolka Banaadir musuq-maasuq iyo maamul xumo maaliyeed, iyadoo aan la heynin halka ay ku baxday $16 milyan oo soo gashay sanadkan.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa mudo ka badan 25 sano safka hore uga jirta dalalka ugu musuq-maasuqa badan adduunka, sababtoo ah inaysan dowlad xooggan iyo daah-furnaan ka jirin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM

Danjire Alper Aktaş: Amniga Soomaaliya waa nabad-gelyadda Turkiga

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa hadalkan sheegay maalin kadib soo bandhigida Markabka Turkiga.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:06AM