Beyle oo hortagey BF: "Waxaa leygu haystaa waa mashruuc ii fuli"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa maanta hortagey Gollaha Shacabka, isagoo ka jawaabay eedeymaha musuq-maasuqa iyo maamul xumada maaliyeed ee loo jeediyay Wasaaraddiisa.

Beyle ayaa mala-awaal iyo been ku tilmaamay Warbixinta Guddiga Maaliyadda Gollaha Shacabka, taasoo lagu sheegay in Wasiirka uusan miisaaniyadda 2018 kusoo darin lacag $20 milyan oo dollar, oo qeyb ka ah $50 milyan oo Sacuudiga ka timid 2017.

Wasiirka oo iska-difaacaya eedeynta ku tagrifal iyo musuq-maasuq miisaaniyadda ayaa yiri: "Waxaa la igu heystaa mashruuc ii fuli", isagoo ka meer-meeray inuu ka jawaabo su'aallaha qaar oo ku saabsan halka lacagaha ka maqan miisaaniyadda ku baxday.

"Guddiga waxay ahayd inay annaga nala tashadaan kahor inta aysan warbixinta u bandhigin Warbaahinta, annagaa ku jirna ceelka guntiisa, arintaan waxay nagu noqotay dhabar-jab," ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda DF, oo kahor hadlayay Gollaha Shacabka.

Ugu dambeyntii, Beyle ayaa ugu baaqay Xildhibaanada inaysan warbixinada noocan ah lala wadaagin warbaahinta, maadaama ay tahay mid xasaasi ah, oo dhaawacaysa sumcadda dowladda iyo kalsoonida deeq-bixiyeyaasha caalamka.

Mahad Cabdalla Cawad, oo ah gudoomiye ku xigeenka labaad ee Gollaha Shacabk, ayaa sheegay inuu Gudoonka Gollaha uu soo baarayo qaabka ay warbixinta ku timid Baarlamaanka.

Warar hoose oo Warsidaha Garowe Online ayaa sheegaya in Xukuumadda, gaar ahaan Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha uu kala qeybiyay Xildhibaanada xubnaha ka ah Gudiiga soo gudbiyay warbixinta, oo 10 kamid ah mowqifkoodii bedelay, kana hor yimid warbixinta.

Lacagta ka maqan Miisaaniyadda 2018, oo gaaraysa $20 milyan oo dollar ayaa waxaa sii dheer lacago kale oo Wasaaradda Maaliyadda ka qaadey Shirkaddaha Isgaarsiinta iyo Bangiyada gaarka, taasoo aan ku dhicin Bangiga Dhexe.

Dad badan ayaa aaminsan in isla-xisaabtanka Xukuumadda Khayre ay hoos u dhacday wixii ka dambeeyay markii isbedelka uu ku yimid Gudoonka Gollaha Shacabka April 2018, oo Mursal Gudoomiye loo doortay.

In ka badan 75% Xubnaha Gollaha Wasiiradda waa Xildhibaanno katirsan Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasoo ka difaaca Xukuumadda mooshinadda iyo warbixinada lamidka ah mida Gudiga maaliyadda ee eedeymaha loogu jeediyay Beyle.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM