Beyle oo jawaab ka bixiyey Musuqmaasuq uu Baarlamanka [Dhageyso]
MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa jawaab ka bixiyay warbixinta Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo la-xisaabtanka hay’adaha dowladda ee baarlamaanka.
Beyle oo wareysi siiyay VOA-da, ayaa sheegay inuusan waxba kala socon Warbixinta guddigu kaga hadlay kharashka soo galay dowladda iyo miisaaniyad sanadeedka sanadka 2018-ka, ayadoo wax is-daba marin ay ku eedeysay wasaaradda maaliyadda.
Warbixinta Guddiga ayaa lagu sheegay in miisaaniyadda 2018 aysan Wasaaradda maaliyadda kusoo darin 20 milyan oo dollar oo kamid ah 50 milyan oo Sacuudiga ugu deeqay Somalia 2017, iyadoo Beyle laga dalbaday inuu sheego halka lacagtan ku baxday.