Beyle oo war kale kasoo saarey Lacagta lasoo daabacayo [Daawo]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Maaliyadda ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaalle Bayle oo shalay Saxaafadda kula hadlay Xafiiskiisa ayaa wuxuu ka hadlay qorshaha dowladda kusoo daabaceyso Lacagta cusub.

Lacagta oo lasoo daabacayo oo isugu jirta 1,000 iyo 500 Shilling oo Soomaali ah, ayaa waxaa ka caawinaya qarashka lagu soo daabacayo Bankuga Aduunka [World Bank], inkastoo dowladda aysan soo bandhig cadadka lacagta ku baxeysa daabicisteeda.

Wasiir Bayle arrintaas kulan warbaahineedku uu qabtay ma uusan dhul-istaadin, laakiin wuxuu carabka ku adkeeyay in qorshaha daabacaadda meel-wanaagsan uu marayo, dhaawanna lasoo daabici doono.

Dood kale oo xasaasi ah ayaa ka dhalatay Lacagta lasoo daabacayo, taasoo ah Sawirka lagu soo dhejinayo ama kasoo dhex-muuqan Lacagta cusub, taasoo Dadweynaha Soomaaliyeed ay su'aalo badan iska weydiiyeen.

Sikastaba, Wasiir Bayle oo su'aal ku saabsan arrintaas ka jawaabayay ayaa wuxuu carabka ku adkeeyay in Sawirka aan wali go'aan laga gaarin, balse, la gelin doono wadatashiyo loo dhan yahay.

"Sawirka lagu soo dhejin doono qofka uu noqon doono wali lama go'aamin, balse, waxaana filaynaa in qofka lagu soo dhejin doono lacagta cusub uu noqdo Shaqsi halyeey ah," ayuu Wasiirka raaciyay hadalkiisa.

Geesta kale, Wasiirka ayaa ka hadlay qorshaha deynta looga cafinayo Soomaaliya, isagoo xusay in in caqabada ugu wayn ee hor-taagan ay tahay in marka hore hanaanka maaliyadeed ee dalka la saxo, taasoo uu ka dhawaajiyay inay meel wacan u mareyso.

Ugu dambeyn, Wasiirka Maaliyadda ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa uga digay Shaqaalaha dowladda in aysan si toos ah u imaan xarumaha ay shaqadda ku leeyihiin, isagoo ku goodiyay in shaqsigii shaqadda si toos ah u imaan waaya la eryi doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM