BF oo war kasoo saarey qoraalkii NISA ee qaraxii Ex-kontarool Afgooye

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Guddiga difaaca Golaha Shacabka ayaa ku tartarsiiyey NISA in ay si deg-deg ah u soo bandhigto caddeymaha saxda ah ee eedeynta ku xusan warbixintii ay kasoo saartay qaraxii Muqdisho.

30-kii December, 2019, qoraal lagu daabacay Twitter-ka hay'adda sirdoonka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in "dal shisheeye" uu ku lug lahaa weerarkii 28-kii bishaas ka dhacay Ex-kontarool Afgooye.

Ku dhowaad 100 u badnaa shacab iyo arday ayaa ku geeriyooday falkaas oo Al-Shabaab ay dusha saaratay mas'uuliyadiisa.

Xiriir

Axmed Macalin Fiqi, xoghayaha guddiga difaaca Aqalka Hoose ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ayaa hogaanka NISA ku waaniyey in ay golaha horkeenan "warbixin dhameystiran".

Fiqi oo u waramay Talafishinka laanta Af Soomaaliga ee VOA-da ayaa cod dheer ku sheegay in "wax ka baxsan awooda NISA ay gedaal ka riixayaan qoraalkaas sida degdeg ah kusoo baxay".

Mudanaha oo xoojiyey shakiga laga qabo in qoraalka NISA "uu siyaasadeysan yahay" ayaa farta ku fiiqay xiriirka hoose ee ka dhaxeeya Fahad Yaasiin, taliyaha hay'adda sirdoonka Soomaaliya, iyo Qadar.

Qadar oo xurguf ay kala dhaxeyso Imaaraadka iyo Sacuudiga ayaa warbixinta NISA waxay timid saacado kadib markii wargeyska Turkiga kasoo baxa uu ismiidaaminta ku eedeeyay Imaaraadka.

Baaris

NISA ayaa sidoo kale shaacisay in baaritaan ay wali ku waddo weerarkaas, isla markaana u kaashaneyso hay'addo mukhaabaraad oo caalami ah.

Xildhibaan Fiqi, oo horey u soo noqday taliyaha hay'addan, ayaa su'aal ka keenay waxa uu yahay baaritaanka iyo maxsuulka kasoo bixi kara.

"NISA sidda aan naqiinay waa hay'ad wax ka hortagta, ma ahan hay'ad wax baarta, marka ma aqaano halkey ka timid baaritaanka," ayuu xusay.

Macluumaadyo la dusiyey ayaa muujinaya in gaariga ku qarxay Ex-kontarool uu ka baxay gudaha Muqdisho, bartilmaameedkuna ahaa kolanyo ay la socdeen Turki.

Ugu yaraan laba muwaadin oo Turkiga u dhashay ayaa lagu dilay weerarka. Xubnahaan waxay ku jireen kooxda dhismaha wadada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Sikastaba, NISA ayaa la kulantay waji gabax kadib qoraalkaas, oo banaanka soo dhigay jahwareerka hay'adda dowladda federaalka. Madaxweyne Farmaajo wuxuu weerarkaas ku eedeeyay maleeyshiyadda Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowlada Soomaaliya oo xayirtay akoonadii bangiyada ee Ururka SJS

SJS ayaa sheegtay in talaabadan ay ka dambeeyaan madaxda Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda federaalka.

  • Soomaliya

    16-04-2024

  • 04:38AM

Soomaaliya oo qaylo-dhaan kasoo saartey colaada Bariga Dhexe

Dowladda Soomaaliya ayaa walaac ka muujisay xiisadda kasoo koror yay Bariga Dhexe.

  • Soomaliya

    15-04-2024

  • 05:56AM