Bog cusub oo u furmay Xiriirka Soomaaliya iyo Eritrea [DAAWO]

Image
Image
Image
Image

ASMARA, Eritrea - Wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne Farmaajo ayaa maanta oo Sabti ah ka dagay magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea, iyadoo halkaasi uga billaabatey booqasho 3 maalin ah.

Booqashada Farmaajo oo ah mid naadir ah, oo Madaxweyne Soomaaliyeed uu ku tago wadanka yar ee ku yaalla Geeska Africa ee Eritrea, tan iyo markii uu ka go'ay dalka Ethiopia 1993-dii.

Waxaa Madaxweyne Farmaajo Garoonka diyaaradaha ee magaalada Asmara kusoo dhaweeyay dhigiisa Isaisa Afwerki, iyadoo calanka Soomaaliya lagu xiray wadooyinka waaweyne ee Caasimadda dalkaasi.

Labada wadan ayaanan lahayn wax xiriir ah mudo ku dhaw 15 sano, balse hadda waxay go'aansadeen inay iska illobaan khilaafkoodii, dibn usoo celiyaan cilaaqaadka, sidoo kalena ay sameeyaan iskaashi dhaqaale.

Booqashada Farmaajo ayaa timid Todobaadyo kadib markii Eritrea iyo Ethiopia oo ka dhaxeysay cadaawad mudo 20 sano ah soo socotay ay dib usoo nooleeyeen xiriirkoodii diblomaasiyadeed.

Waxaa sidoo kale booqashada Madaxweynaha Soomaaliya ee Asmara aka dambeysay casuumaad uu usoo diray Isaisa Afwerki, iyadoo labada hogaamiye kawada hadlayaan arrimo ku saabsan xiriirka labada dal.

Abiy iyo Afwerki ayaa midba midka kale booqday dalkiisa, iyagoo dib u furay safaaradaha ay ku kala lahaayeen Asmara iyo Addis Ababa, oo xirnaa tan iyo 1998 xilligaas oo uu billowday dagaalkooda.

Booqashadii Abiy Axmed ee Asmara ayaa soo afkartay go'aamintii dalalka gobolka iyo Caalamka ee saaranyd Eritrea tobanaanka sano.

- Dagaalka dibadda -

Mudo sanado ah, xiisaddii u dhaxeysay Eritrea iyo Ethiopia ayaa saameyn xooggan ku yeelatay Soomaaliya, iyadoo labadaasi wadan midba midka uu taageero milateri siinayay kooxaha iska soo horjeeday ee Soomaaliya.

Eritrea ayaa taageero siisay Maxkamadihii Islaamiga ahaa ee ka talin jiray Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya mudo bilooyin ah, kahor inta aysan cagta marin Ciidamada Ethiopia sanadkii 2006.

Sanadkii 2009, Gollaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa cunaqabateyn dhanka hubka ah kusoo rogay Eritrea kalaintii uu ku lahaa colaadda Soomaaliaya darteed.

Eritrea waxaa sidoo kale lagu eedeeyay inay taageero siiyo Kooxda Al-Shabaab, ee xiriirka la leh Al-Qaacida, eedeyntaasi waxaa si adag u beenisay xukuumadda Asmara.

Xayiraadda Eritrea ayaa laga yaabaa inay dowladaha Gollaha Amaanka ee QM ay qaadaan kadib markii uu Ra'iisul Wasaaraha Ethiopia, oo hadda booqasho ku jooga Mareykanka ka codsaday.

-Yaa ka dambeeyay inay heshiiyaan Eritrea iyo Ethiopia?-

Dalka Imaaraadka ayaa saldhig milateri ka sameystay magaalada Assab oo Ertirea katirsan markii ay ciidamada Isbaheysiga Khaliijaka carabta, oo Sacuudiga hogaaminayo ay ku duuleen Yemen 2015.

Imaaraadka ayaa la sheegay inuu kaalin mug leh ka qaatey inay heshiiyaan Eritrea iyo Ethiopia, islamarkaana ay soo celiyaan xiriirkooda oo hakad ku jiray 20 sano wixii ka dambeeyay 1998.

Dowladda Imaaraadka ayaa labada hogaamiye ee Eritrea iyo Ethiopia, Afwerki iyoo Abiy ku casuuntay Abu Dhabi Todobaadkii tagey, iyadoo Amiirka dalkaasi uu gudoonsiiyay baladda ugu qaalisan ee UAE.

Soomaaliya ayaa ah dal nugul, oo khatar weyn ku hayso Al-Shabaab, oo maamusha dhul ballaaran, iyadoo qaraxyo iyo weeraro ay ka fuliso gobollada dalka iyo Muqdisho, oo dowladda Federaalka ay fadhiso.

Kooxda ayaa lagu eedeeyay inay ka dambeysay qaraxii 14-kii October ee ka dhacay Isgoyska Zoobe, kaasoo noqday midkii ugu khasaaraha badnaa oo hal maalin ka dhacay Soomaaliya Taariikhda, iyadoo ay ku dhinteen in ka badan 500 oo qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Dowladda oo howlgallo ka fuliyay aagga degmada Xarardheere

Howlgallada ayaa lagu dilay horjoogayaal ka tirsan kooxda AS.

  • Soomaliya

    18-03-2024

  • 05:15PM

Diyaaradda Egypt Air oo Duullimaad ka bilaabeysa Muqdisho

Egypt Air ayaa wafdi usoo dirtay Muqdisho si ay qiimeyn u sameeyaan.

  • Soomaliya

    18-03-2024

  • 02:28PM