Booliska oo xog cusub ka bixiyay dilka Mas'uul katirsan maamulka G/Banaadir

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in dad loo qab-qabtey dilka saddex qof oo Rayid ah, kuwaasoo saacadihii siyaabo kala duwan loogu toogtey xaafado ka tirsan magaalo madaxda dalka ee Muqdisho.

Jenaraal Cabdullaahi Xasan Bariise, oo kamid ah saraakiisha sarre ee ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaadey in dadka la xirey baaritaan kadib cadaalada kasoo taagi doono.

Dilka saddexda qof ayuu tibaaxay in labo kamid ah ay fuliyeen ciidamada ka tirsan dowladda, inkasta oo uusan sheegin hadii xubnaha la xirey ay ku jiraan Askarta fal dambiyeedka geysatay.

Labo kamid ah dadka la dilay waxay kamid ahaayeen shaqaalaha dowladda - Dayax Iimaan Xasan oo ahaa wiil dhalinyaro ah ayaa ushaqaynayey gobolka Banaadir, iyo Aamino Xasan Xuseen, oo sida la sheegay NISA ka tirsaneyd.

"Waxa ugu muhiimsan ayaa ah in laga daba-tago marka uu fal dhaco, taasoo ciidamada ay ku amaanan yihiin. Waxaana rajaynayaa inaan cadaalada horkeeni doono kuwa dilka ka dambeeya," ayuu yiri Jenaraal Bariise, oo la hadlay warbaahinta Muqdisho.

Amaanka caasimada ah ayaa maalmihii udambeeyay ahaa mid faraha kasoo baxayey xili ay dhaceen falal dil ah oo qorsheysan, waxaana Xilldhibaanada Gollaha Shacabka ay sheegeen in xukuumada aysan haynin qorshe cad oo ay wax uga qabaneyso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM