Burcadbadeed weerar ku qaaday Markab laga leeyahay Singaboor

Image

Markab ku gooshayay calanka dalka Singabuur ayaa lagu weeraray biyaha Soomaaliya, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka ilaalada Xeebaha Soomaaliya ee Midowga Yurub.

Markabkan oo lagu magacaabo MT Leopard Sun, ayaa shalay waxaa weerar ku qaaday koox hubaysan ah oo wadatay labo doonyood oo ah nooca dheereeya.

MT Leopard Sun, oo waday Kiimiko ayaa kasoo shiraacday xeebaha Dalka Cumaan isagoo ku sii jeeday Magaalada Cape Town ee Dalka Koofur Afrika.

Muddo 20 daqiiqo ah ayaa burcad-daas iyo Ilaalada Markabku is-weydaarsanayeen Rasaas xoogan, sida saraakiishu sheegeen.

Weerarkan oo Shalay ka dhacay meel 160 nautical miles (Cabbir badeedka ) u jirta Xeebaha Soomaaliya ayaanan geysan wax khasaara ah oo soo kala gaadhay Labada dhinac.

Ilaa hadda ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda Soomaaliya oo ku aadan weerarkaas.

Sidoo kale faah faahin dheeraad ah lagama hayo xaalka Markabka la weerary.

Dhacdadan ayaa noqonaysa tii ugu horaysay ee Burcad-badeed Soomaali ah isku dayaan sannadkan 2018 iyadoo weerarkii ugu dambeeyay uu dhacay bishii November ee 2017.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM