Soomaaliya oo lugaha la gashay qalalaase la xiriira doorashooyinka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Fadhigii lagu wadday in maanta ay Muqdisho ku yeeshaan xubnaha Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya waxaa hareeyay buuq sababay in waqti hore ay kala dareeraan Xildhibaanada.

Mudaneyaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in Aqalka Hoose uu meelmariyey mooshin kalsooni kala noqasho oo ka dhan ah ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, afhayeenka Golaha Shacabka oo ku dhawaaqay "in xukuumadda ay dhacdey" ayaa xusay in 170 sharci-dejiyeyaal ay ansixiyaan mooshinkaas.

Mursal, oo xusay in 8-na ay diidey, cid ka aamustayna aysan jirin, ayaa madaxweyne Farmaajo ugu baaqay in uu soo magacaabo ra'iisul wasaare cusub "oo dalka ku hogaamin kara doorasho qof iyo cod ah".

Balse, Maxamed Abuukar Islow Ducaale, wasiirka amniga gudaha Soomaaliya oo sharci darro ku tilmaamay hadalka guddoonka Aqalka Hoose ee ku aadan in la riday xukuumadda hadda jirta.

Guddoonka Golaha Shacabka gaar ahaan gudoomiye Mursal iy ku xigeenkiisa koowaad ayuu daaha ka rogay in ay u ololeynayaan muddo kororsi, taasoo uu xusay in xukuumadda ay kasoo horjeedo.

Tani ayaa u muuqata mid dalka lagu gelinayo qalalaase doorasho kadib go'aannadii kasoo baxay wejiga labaad ee Shirka Dhuusamareeb oo adkeeyay in doorashada soo aadan e 2020-21 ay waqtigeeda ku dhacdo.

Xilli talaabadan ay u muuqato mid laga soo shaqeeyay, waxay sii mugdi sii gelineysaa qaabka dalka uga baxayo mar-xalada kala guurka, waxaana uu burburinayaa wejiga saddexaad ee shir-madaxeedka Dhuusamareeb.

MUUQAALKA MURSAL

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM