Soomaaliya oo lugaha la gashay qalalaase la xiriira doorashooyinka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Fadhigii lagu wadday in maanta ay Muqdisho ku yeeshaan xubnaha Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya waxaa hareeyay buuq sababay in waqti hore ay kala dareeraan Xildhibaanada.

Mudaneyaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in Aqalka Hoose uu meelmariyey mooshin kalsooni kala noqasho oo ka dhan ah ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, afhayeenka Golaha Shacabka oo ku dhawaaqay "in xukuumadda ay dhacdey" ayaa xusay in 170 sharci-dejiyeyaal ay ansixiyaan mooshinkaas.

Mursal, oo xusay in 8-na ay diidey, cid ka aamustayna aysan jirin, ayaa madaxweyne Farmaajo ugu baaqay in uu soo magacaabo ra'iisul wasaare cusub "oo dalka ku hogaamin kara doorasho qof iyo cod ah".

Balse, Maxamed Abuukar Islow Ducaale, wasiirka amniga gudaha Soomaaliya oo sharci darro ku tilmaamay hadalka guddoonka Aqalka Hoose ee ku aadan in la riday xukuumadda hadda jirta.

Guddoonka Golaha Shacabka gaar ahaan gudoomiye Mursal iy ku xigeenkiisa koowaad ayuu daaha ka rogay in ay u ololeynayaan muddo kororsi, taasoo uu xusay in xukuumadda ay kasoo horjeedo.

Tani ayaa u muuqata mid dalka lagu gelinayo qalalaase doorasho kadib go'aannadii kasoo baxay wejiga labaad ee Shirka Dhuusamareeb oo adkeeyay in doorashada soo aadan e 2020-21 ay waqtigeeda ku dhacdo.

Xilli talaabadan ay u muuqato mid laga soo shaqeeyay, waxay sii mugdi sii gelineysaa qaabka dalka uga baxayo mar-xalada kala guurka, waxaana uu burburinayaa wejiga saddexaad ee shir-madaxeedka Dhuusamareeb.

MUUQAALKA MURSAL

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM