Caasimada Soomaaliya oo si weyn looga dabaaldegay Ciidul Adxaa

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa salaadda Ciidda Carafo ku tukaday Masjidka Shuhadada ee Madaxtooyada Qaranka.

Geesta kale, Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka ah ayaa wuxuu kumannaan dadweyne ah salaadda Ciida kula dukaday Masjidka Isbaheysiga Islaamka ee magaaladda Muqdisho.

Farmaajo ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo ummadda Muslimiinta ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidda Carafo, isaga oo xujayda sannadkan gudanaya waajibaadka xajka Eebbe uga baryey inuu ka aqbalo acmaashooda suubban.

Amniga magaaladda ayaa aad loo adkeeyay iyadda oo wadooyinka caasimadda lagu arkayo ciidamo isla markaana qaar kamid ah isgoysyadda ay yihiin kuwa xiran.

Madaxweynaha ayaa wuxuu ku tartarsiiyay muwaadiniinta inay is-caawiyaan si farxadda ciiddu ay u wada gaarto dhammaan bulshada qaybaheeda kala duwan.

Mas'uuliyiin kale oo isugu jira wasiiro, Xildhibaano iyo saraakiil ciidan oo goobta ka hadlay ayaa dhankooda dhambaalka dabaaldega u diray Shacabka Soomaaliyeed.

Ummadda Soomaaliyeed ayuu u rajeeyay inay sannadkan sannadkiisa ku gaaraan horumar, barwaaqo iyo isku duubni, isagoona ku boorriyay inay dowrkooda ka qaataan dib u dhiska dalka iyo la dagaallanka cadawga qawleysatada ah ee u taagan dhibaateynta dadka Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM