Cabdi Illey oo lagu khasbay inuu xiro Xabsiga Jeel Ogaadeen

Image
Image

JIGJIGA - Saraakiisha dowlad degaanka Soomaalida Eithiopia ayaa wada qorshe ay Jeel Ogaadeen ugu bedelayaan Masjid, kadib markii warbixin ay soo saartey dhawaan "Human Right Watch" ku sheegtay in tacadiyo loo geysto maxaabiistka ku xirn xabigaasi.

Madaxweynaha dowlad degaanka, Cabdi Cabdi Illey, ayaa booqday xabsiga maalin kadib warbixinta HRW isagoo kasii daayay maxaabiis badan, oo kuwa arrimaha siyaasadeed u xirnaa, mucaarad iyo saraakiil hore oo hay'adah amniga katirsanaa.

Warbixintii HRW oo 88 bog ka koobnayd ayaa lagu sheegay in xabsigan oo ku yaalla Jigjiga ay ilaaladiisa u gesytaan maxaabiista, oo rag iyo dumar isagu jira Jirdil, Kufsi iyo tacadiyo kale oo bini'aadanimada ka baxsan. [Halkan ka akhri Warbixinta].

Warar ayaa sheegay in Ciidamada Federaalka Eithiopia ay la wareegeen xabsiga kadib warbixinta Human Rights Watch, iyadoo lagu armay Madaxweyne Cabdi Illey inuu sii daayo maxaabiista, sidoo kalena albaabada isagu dhufto xabsiga Jeel Ogaadeen.

Warar hoose ayaa sheegaya in Cabdi Illey mar uu kula kulmay madaxda cusub ee Eithiopia, gaar ahaan Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed magaalada Addis Ababa, lagu wargeliyay inuu sameeyo labo arrimood oo kala ah; inuu iscasilo ama xiro Xabsiga.

Isbedelka ka socda dalka Eithiopia ee uu wado Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sababay inay isku soo dhawaadaan kooxihii mucaaradka, kadib markii uu Liiska argagaxisada ka saarey saddex Urur oo ONLF uu kamid yahay.

Waxaa sidoo kale Abiy Axmed ayaa xabsiyada dalkiisa kasoo daayay kumanaan maxaabiis ah, oo hogaamiye-yaal sare oo mucaaradka katirsan ay ku jiraan, isagoo tallaabadaasi ugu gol-leh inuu nabad iyo xasilooni kudoo dabaalo wadanka Eithiopia.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM