​Cabdi Qaybdiid oo loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka BFS

Image

MUQDISHU, Somalia- Xubnaha Guddiga Dastuurka labada Aqal ee Barlamanka Somalia, ayaa maanta doortay Guddoomiye kadib markii  ay ku tartameen Xildhibaanada kala ah; Cabdiraxmaan Farole oo Aqalka Sare kasoo galay dhinaca Puntland iyo Cabdi Qaybdiid oo matalayay maamulka Galmudug.

Guddigan ayaa ka kooban 10 xubnood oo 5 kamid ah yihiin golaha Shacabka (Aqalka Hoose) iyo Shan Xubnood oo ka yimid Aqalka Sare (Senet) ayaa u codeeyay labadaas murashax, waxaana doorasho qarsoon kadib madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug uu helay 6 cod, halka Farole  u codeeyeen 4 Xildhibaan.

Wararka uu helayo Garowe Online ayaa sheegaya in Doorashada oo saaka ka qabsoontay Muqdishu lagu sameeyay ka mareyn faragalin siyaasadeed taasoo markii dambe rabto in codbixintu noqonoto mid raacda nidaamka qabaliga ah ee 4.5.

Gen. Cabdi Xasan Cawale oo ku magac dheer  ayaa dhashay sannadkii 1948, isagoo xilal kasoo qabtay dowladihii waddanka soo maray, balse bur-burkii Xukuumaddii dhexe ee Milatariga ku biiray Qab-qablayaashii ka talinayay qaybo kamid ah bartamaha iyo Koonfurta Somalia, kahor intuusan noqon Madaxweynaha maamulka Galmudug.

Qaybdiid ayaa  doorashadii Galmudug waxa kaga   guulaystey Cabdikarim Guuleed kadib markii ay isku darsameen maamulkii ka talinayay Koonfurta Galkacyo, Ximan iyo Xeeb, waqtigaas kadib wuxuu soo galay Aqalka Sare Somalia.

Qoraal waqtigaas kasoo baxay Qaramada Midoobay waxaa lagu diiday kamid noqoshada Qaybdiid ee golaha Aqalka Sare iyadoo lagu eedeeyay inuu mas'uul ka ahaa dilal iyo dagaallo ka dhacay dalka Somalia.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Farole oo isna xilal kasoo qaybtay dowladdii hore Somalia, maamulka Puntland oo markii ugu dambaysay uu ahaa Madaxweynihii ka horeeyay Cabdiwali Gaas ayaa door lixaad leh kasoo qaatay nidaamkii looga baxay KMG isagoo kamid ahaa dadkii ka shaqeeyay Dastuurka Somalia islamarkaana aad ugu adkaa inaan wax laga badalin.

Mudadii uu Madaxweynaha ahaa Farole, wuxuu dhowr jeer xiriirka u jaray dowladdii ka horeeyay xukumadda uu hogaamiyo Farmajo isagoo ka biyo diiday faro galin lagu sameeyay Dastuurka.

Waxaa aad loogu saadaalinayay inuu xilkaan kusoo bixi doono maadama uu kamid yahay dad tiro yar oo ka shaqaynayay sidii loo hirgalin lahaa Nidaamka Federaalka ee hadda ay ku dhismeen maamullo badan.

Cabdiraxmaan Farole ayaa iminka kamid ah Guddiga Dastuurka Barlamanka Somalia oo ah Guddiga kaliya ee ay ku midaysanyihiin xubno kasocda labada aqal.

Arrintan ayaa kusoo aaday Xilli la filayo in dib u eegis lagu sameeyo Dastuurka KMG ah ee  Somalia, kaasoo dhowr jeer oo hore lagu sameeyay faro galin sharci darro ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM