Cabdulqaadir Cosoble oo ku guuleystey xubinta xildhibaanka aqalka hoose ee Barlamanka Somalia

Image

JOWHAR, Somalia- Doorashada aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka Somalia oo maanta ka socotey magaalo madaxda maamulka Hir-Shabeele ee Jowhar ayaa waxaa xubin kamid ah kuraasta loo tartamyey ku guuleystey Siyaasi Cabdulqaadir Cosoble Cali islamarkana horey u ahaa xildhibaan ka tirsan Barlamanka Federaalka waqtigiisu dhamaadey.

Doorashadaan oo isha si gaar ah loogu hayey ayaa waxaa kula tartamyey Cabdulqaadir Cosoble Cali Muxayadiin Xasan Jurus oo tageero ka haystey mdaxaweynhii hore ee Somalia Xasan Sheikh Maxamud.

Muxayadiin Xasan Jurus oo ah agaasimaha waaxda cashuuraha bariga ee wasarada Maaliyada Somalia ayaa ka tirsan beesha Harti Abgaal 'Warsangali'.

Labada nin ayaa dhaqaale aad u fara badan geliyay sidii uu mid walba uu u guuleysan lahaa, iyadoo Muxiyadiin Xasan Jurus uu taageero ka helayay Madaxtooyada.

Wararka ayaa sheegaya in dhaqaale gaaraya Hal Milyan oo dollar ku baxdey loolanka kursigaan.

Cosoble ayaa ku badiyay 34 cod, halka Muxiyadiin Xasan Jurus uu helay 17 cod, sidaas waxaa kursiga aqalka Hoose ee Beesha Warsangeli Abgaal ku guuleystay Cabdulqaadir Cosoble oo markii labaad noqday xildhibaanka beeshaan.

Cabdulqaadir Cosoble oo horey uga qayb galay tartanka Madaxweynaha Somalia sanadkii 2012 ayaa Madaxweyne Xasan Shiikh u arkaa inuu khatar ku yahay qorshahiisa uu damacsan yahay in dib loogu doorto markale madaama ay kasoo wada jeedaan isku beel.

Cabdulqaadir Cosoble oo ah markale musharax u taagan xilka Madaxweynaha Somalia ayaa kamid noqonaya xubnaha u taagan xilkaan ee ka tirsan beeshiisa kuwasoo ilaa hadda gaaraya 4 xubnood.

Doorashada xildhibanada Federaalka aqalka sare iyo aqalka hoose ee Somalia sanadka 2016 ayaa noqoneysa midii ugu musuqmaasuq badneyd ee ka dhacda dalka Somalia.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Maalinta Shaqaalaha Aduunka oo si weyn looga xusay Soomaaliya iyo Caalamkaba

Shaqaalaha hay’adaha dowladda ayaa la fasaxay maalintan.

  • Soomaliya

    01-05-2024

  • 07:35AM

Dowladda federaalka Soomaaliya oo dhambaal tacsi ah u dirtey Kenya

In ka badan 200,000 oo qof oo ku nool guud ahaan dalka Kenya ayaa waxaa saameeyay fatahaadda.

  • Soomaliya

    30-04-2024

  • 04:55AM