Cadaado: doorashada Maamulka G. Dhexe oo maanta dhacaysa

Image

July 4, 2015 (GO)- Doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka maamulka loo sameynayo gobollada Galguduud iyo Koonfurta Mudug, ayaa maanta oo Talaado ah ka dhici doonta degmada Cadaado ee gobolka Galguduud.

Doorashada waxaa ka qayb gelaya toban murashax oo lix kamid ahi u tartami doonaan xilka madaxweynaha, waxayna magacyadoodu kala yihiin: Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan, Axmed Macalin Fiqi, C/kariin Xuseen Guuleed, Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), Xasan Maxamed Cilmi Afrax Mideeye iyo Xasan Maxamed Nuur Qalaad.

Waxaa codeyn doona xildhibaannada baarlammaanka maamulkaas ee dhowaanta lasoo xulay, kuwaas oo tiradoodu gaareyso 89, waxayna murashaxiintu ku kala bixi doonaan codka hal-dheerida 50+1.


Murashaxiinta ugu cad cad

Saddex murashax ayaa ugu cad cad, waxaana la saadaalinayaa in midkood doorashada ku guuleysan doono. Murashaxiinta aadka loo hadal hayo waxaa kamid ah: Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan, Axmed Macalin Fiqi iyo Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Cabdikariim Xuseen Guuleed: 

Wuxuu horay usoo noqdey Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, waana murashaxa ugu cad cad.

Guuleed ayaa taageero ka haysta Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo urur siyaasadeedka Damul Jadiid.

Warar hoose oo Garowe Online heshay ayaa tibaaxaya in Cabdikariim Guuleed yahay murashaxa ugu dhaqaalaha xooggan kuwa tartamaya. Wararka ayaa intaas ku daraya in Madaxweyne Xasan Sheekh lacag gaareysa dhowr milyan oo doolar ugu deeqay murashax Guuleed si uu ugu ololeeyo.

Axmed Cabdisalaam Aadan: 

Waa danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Ethiopia, horayna wuxuu usoo noqday Ra’iisul wasaare ku xigeenkii ahaana wasiirkii hore ee warfaafinta dowladdii kumeel gaarka ahay ee uu hoggaaminayey AHN Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Siyaasagan ayaa taageero weyn ka haysta wadamada deriska gaar ahaan dalka Ethiopia. Wuxuu sidoo kale taageero fiican ka haystaa beelaha qaar.

Cabdisalaan oo maalmo kahor warbaahinta la hadlay, wuxuu sheegay in Dowladda Federaalku caqabad ku tahay ololihiisa doorashada, isagoo xusay in qaar kamid ah dadkii ololihiisa wadey lagu xanibey garoonka Muqdisho, loona diidey inay dhanka Cadaado usoo duulaan.

Axmed Macallin Fiqi: 

Wuxuu horay usoo noqdey Taliyha Hay'adda Nabad-sugidda Qaranka iyo danjiraha dowladda Soomaaliya u jooga Sudan xilligii dowladdii kumeel gaarka ahayd ee Sheekh Shariif uu madaxweynaha ka ahaa.

Inkastoo aysan cadeyn cidda dabada ka riixeysa murashax Fiqi, waxaa hadana la rumeysan yahay in uu taageero fiican ka haysto Sheekh Shariif iyo xulafadiisa siyaasadda.

Waxaa xusid mudan, in Axmed Fiqi dhaqaale badan ku bixiyey dhismaha xarunta uu yeelan doono baarlammaanka dhowaanta lasoo xulay ee maamulka gobollada dhexe.
 


Ammaanka oo si weyn loo adkeeyey

Ammaanka degmada Cadaado iyo deegaanada ku xeeran ayaa maanta si weyn loo adkeeyey, ciidamo ka tirsan AMISOM iyo kuwa nabad-sugidda ee Dowladda Federaalka ayaa sugaya ammaanka goobta doorashadu ka dhacayso iyo jidadka muhiimka ah ee soo gala.

Dhanka kale, waxaa lagu wadaa inay maanta degmada Cadaado soo gaaraan wafuud ay kala hoggaminayaan Ra'isal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, Nicholas Kay.

Sidoo kale waxaa doorashada kasoo qayb geli doona wufuud ka socota wadamada deriska -gaar ahaan Ethiopia-  iyo Ururka Midowga Afrika.

Kala soco Garowe Online faah faahin dheeri ah oo ku saabsan doorashada maanta Cadaado ka dhaceysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo heshiisyo ballaaran kala saxiixdey

Heshiisyadan ayaa qeyb ka ah Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre.

  • Soomaliya

    07-05-2024

  • 03:19AM

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo loogu soo dhaweeyey Magaalada Nairobi

Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku qotoma adkaynta xiriirka labada dal, iyo horumarinta iskaashiga.

  • Soomaliya

    06-05-2024

  • 09:15AM