Caleemo-saarka Madaxweyne Waare oo Jowhar lagu qabtay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

JOWHAR, Somaaliya- Madaxweynaha cusub ee maamulka HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta lagu caleemo-saaray magaalo madaxda gobolka Shabeellaha dhexe, kadib munasaabad ay kasoo qayb galeen RW Somaaliya, Guddoomiyaha Aqalka Sare, Madaxda maamullada Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Wufuud kala duwan oo ka kala timid magaalooyinka Garoowe, Muqdisho iyo Kismaayo ayaa maanta galinkii hore ka dagay garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar kadib markii ay heleen casuumad ka heleen maamulka HirShabeelle.

Sidoo kale Xafladda waxaa ka qayb galay Senator Cabdiraxmaan Farole, xubno kasocday golaha wasiirrada, wakiilka Qaramada Midoobay, IGAD, Midowga Yurub iyo Safiirka Turkiga.

Qaar kamid ah xubnaha ka socday beesha Caalamka oo kamid aha Micheal Keating, Safiirka Turkiga iyo wakiilka IGAD, ayaa madaxda Soomaalida ugu baaqay inay ka shaqeeyaan hormarka Soomaaliya islamarkaana wada-xaajood ku dhammeeyaan waxyaabaha ay la isku khilaafsanyahay.

Madaxweynaha Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa soo dhaweeyay dhismaha maamulka HirShabeelle iyo caleemo-saarka Madaxweyne Xaaf, isagoo ugu baaqay inuu ka miro dhaliyo ballanqaadyadii uu galay markii la doortay.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ku baaqay in la iska daayo khilaafaadka u dhaxeeya madaxda islamarkaana miiska wada-hadalka lagu dhammeeyo wixii hada taagan isagoo intaas raaciyay in Soomaaliya dib u dhac badan soo martay hadana loo baahanyahay hormar.

Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in dowladdiisa lagu hayo dhibaato badan.

“Aniga si gaar ah iigu duceeya Kar badan baa i saarane in ilaahay iga dajiyo, sidoo kale iigu soo duceeya in maamulka Ahlu Sunna ilaahay dhagahooda ii soo jeediyo.” Ayuu yiri Madaxweyne Xaaf.

Dhinaca kale Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in dalka uu meel wanaagsan marayo islamarkaana daruuri tahay in amniga la adkeeyo oo dowladda iyo shacabka iska kaashadaan sidii loo cirib tiri lahaa kooxda Al Shabaab.

Shariif ayaa sidoo kale ka digay in la yareeyo ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya isagoo tilmaamay in xaaladda waddanka aysan fadhin islamarkaana loo baahanyahay ciidamo ilaaliya oo gacanta ku haya.

Madaxweynaha HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare oo khudba ka jeediyay Caleemo-saarkiisa ayaa ugu horay ku baaqay in midnimada laga shaqeeyo, isku xirnaanta la ilaaliyo, sidoo kale meel loogasoo wada jeedsado cadowga.

Nidaamka Federaalka iyo sida dowladda Soomaaliya uga hadlayso ayuu dhaliilay, wuxuuna yiri, “Nidaamka Federaalka hadii uu inaga xunyahay aan kawada hadalno waxaan ku badalan lahayn, hadii uusan ina anficin ayaan ka wada hadalno, lakiin yaan la dhihin Federaalism-ku ma jiro. Madaxweyne Farmaaho Uganda ayuu ku maqanyahay allaha soo nabad ceshee wuxuu ku tagay doorasho aan anagu dooranay iyo matalaadeena, laakiin hadii aad diidaan Federaalka ogaada hade inteena meeshaan fadhida sharci darro ayaan ku joognaa.”

Ugu dambayn Ra’isal wasaare Xasan Cali Khayre oo iska difaacayay eedaha loo jeedinayo ayaa sheegay inaysan u jirin Khilaafaadka dowladda dhexe iyo maamullada sida loo dhigayo, wuxuuna intaas ku daray inay leeyihiin xiriir wanaagsan islamarkaana iska kaashan doonaan hormarinta dalka iyo sidii meel looga soo jeedsan lahaa Codowga umadda Soomaaliyeed.

Khayre ayaa madaxda maamullada ugu yeeray inay tagaan madasha uu ku baaqay Farmaajo oo halkaas lagu gorfeeyo dhibaatooyinka jira, wuxuuna codsaday in laga shaqeeyo sidii dalka loo gaarsiin lahaa Doorasho qof iyo cod ah, dhammaystirka Dastuurka iyo hagaajinta amniga.

Gogosha Farmaajo ayuu xusay inay tahay mid ujeedkeedu ka fogyahay wada-hadal balse ay tahay dhabadii lagu jeexayay midnimada iyo horusocodka.

Hadalladan ayaa yimid xill Xasan Cali Khayre uusan maanta imaan shir ay wada-qaateen Madaxda maamullada Soomaaliya, Xildhibaano katirsan Aqalka Sare, Wakiillada QM, Turkiga, IGAD, Midowga Yurub, kaasoo looga hadlayay xaaladda dalka Soomaaliya, inkastoo saxaafaddu bannaanka ka joogtay.

Madaxdii ka qayb gashay Caleemo saarka ayaa dib ugu laabtay deegaanadii ay ka yimaadeen marka laga reebo wafdiga Puntland oo caawa u hoyan doona magaalada Jowhar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM