Cali Ameeriko oo aas-aasay hay’add howlo muhiim ah kawada Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay’adda Yaasmiin Foundation waa mid uu aas-aasay qoyska Maxamed Cali Nuur [Ameeriko] oo kamid ahaa murashaxiintii isku soo taagtay xilka Madaxwaynaha doorashadii qabsoontay bishii Febraayo ee sanadkii hore.

Yaasmiin oo ahayd gabar uu dhalay Ameeriko ayaa la dilay, waxaana aabaheeda uu ugu magac-daray hay’addani ka shaqaysay arrimaha samafalka, taasi oo uu fadhigeedu yahay degaanka Ceel Cirfeed ee duleedka Waqooyi ee Muqdisho.

Dhaqaalaha lagu fuliyo howlaha ay hay’addu qabaneyso waa mid ka timaada dhinaca qoyska, waxaana ay fulisay saddex mashruuc oo waawayn tan iyo markii la aas-aasay Shan sano kahor.

Mashruucyadda ay fulisay oo isugu jira; Ceel, Dugsi Hoose iyo Dhexe oo Yaasmiin loogu magac-daray iyo xarun caafimaad, kuwaasi oo ku yaala tuulada fariisinka u ah, waxaana dhamaantooda adeegyadooda lagu bixiyaa si bilaash ah.

Iskuulka waxaa haatan wax ku barata in ka badan 200 Arday, kuwaasi oo isugu jira wiilal iyo Gabdho. Dhamaan mashaariicyada hay’addu ku dhaqaaqday waa kuwa waqti xaadirkaan ay ka wada faa’idaysanayaa dadkii ubaahnaa.

“Magaca Yaasmiin waxaa igu bixiyay inaan ku xasuusto gabdheyda iyo inaan Ajir [xasanaad] aan ka helno,” ayuu yiri Ameeriko oo wareysi uu uga hadlay hay’adda siiyey BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga.

- Balaarinta Hay’adda -

Si howlaha ay qabato hay’adda loosii dardar geliyo, maamulka Hay’adda wuxuu go’aan saday in la balaariyo xili Safiirkii hore ee Kenya ufadhiyey Soomaaliya uu carabka ku dhuftay inay la kaashan doonan bulshadda Soomaaliyeed.

Isaga oo ka jawaabaya su’aal la xiriirta inay la kaashan doonan dad Ajaaniib ah, ayuu Danjire Ameeriko hoosta ka xariiqay inaanu wali la gaarin waqtigaas, islamarkaana ay marka hore wax ka raadin doonan Soomaalida.

“Dad Soomaali ah baa bilaabay inay hadda na taageeraan, qorshaheena waxay weyaan haatan inaan ka dhisno tuulooyin kale Iskuulo. Ajnabi haatan wali ma gaarin, dadka Soomaaliyeed ayaan dooneynaa inaan wax waydiino,” ayuu hadalkiisa kusii daray.

Gabagabadii, Maxamed Cali Nuur [Ameeriko] oo la waydiiyay sida ay shacabka ugu kalsoonan karaan lacagaha loosoo diray inay ku baxayso meesha saxda ah ayaa cod dheer ku qeexay inay lix bil kasta ay sameeyaan xisaab xir.

“Aniga waxaan ahay dhaqaalyahan. Hadda oo ay lacagta bixiyo qoyskeyga, waxaan Lix bil kasta aan sameynaa xisaab xir. Maadaama aan hadda dooneyno in dad nagu soo biiraan, waxaan sameyn doonaa taasi,” ayuu kusoo xiray hadalkiisa.

Cali Ameeriko ayaa mar soo noqday Safiirka Soomaaliya ee Kenya, waxaana uu sidoo kale kamid ahaa musharaxiintii xilka Madaxweynaha, ee uu ku guuleystay Madaxweyne Farmaajo, Febuary 8, 2017.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM