Canshuur lagu soo rogayo Xildhibaanada Barlamanka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in lacago canshuur ah laga qaadi doono gunnada ay qaataan Xildhibaanada Baarlamaanka dalka  iyo shaqaalaha dowladda.

Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle, Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa warqad uu u qoray Gudoonka Gollaha Shacabka ku sheegay in wixii ka dambeeya October 2017 la bilaabi doono in canshuurista Gunnada ay qaataan Xildhibaanada.

Wasiirka ayaa sheegay in Garyaqaanka Guud ee Soomaaliya ay waydiisteen talo-bixin dhanka sharciga ah oo ku aadan in dib loogu noqdo sharcigii canshuurt dhaafta ee loo sameeyay Xubnaha Gollaha shacabka.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Somaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Bayle ayaa sidoo kale shaaciyay inuu socdo qorshe canshuur looga qaadaayo shaqaalaha ka shaqeeya Shirkadaha gaarka loo leeyahay.

Beyle ayaa xisay in hadda dadka qaar aanan laga qaadin canshuurta ku waajbtay, sababo ku aadan in shuruucda looga qaadayo iyo nidaamka hadda ay socoto, si qof waliba oo muwaadin ah oo dalka ku sugan looga qaado canshuurta.

Go'aankan ayaa imaanaya xilli ay jirto isbarbar yaac ku aadan hanaanka qaadista canshuurta maamulka Gobolka Banaadir iyo mida ay qaado Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

Hoos ka akhriso Warqaddan kasoo baxday Xafiiska Wasiir Beyle:

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM