Caqabadaha ugu waaweyn ee horyaalla Madaxwayne Lafta Gareen?

Image

BAYDHABO, Sooamaaliya - Cabdicasiis Xasan Maxamed [Lafta-gareen] ayaa ku guuleystay shalay doorashada Madaxwaynaha Koonfur Galbeed, isagoo helay codad gaaraya 101 wareeggii koowaad.

Lafta Gareen oo ka guuleystay afar Musharax oo u tartamaya codadka 149 Xildhibaan oo doorashada sameynayay, iyadoo aan jirin kormeeriyaal caalami ah oo codbixinta goobjoog u ahaa.

Madaxwaynaha cusub oo guushiisa horey loo saadaaliyay, maadaama ay wadato dowladda Federaalka ayaa khudabadiisii doorashada kadib ku balan qaadey inuu wax ka qabanayo amniga, cadaaladda iyo siyaasadda Koonfur Galbeed.

Hadaba, maxaa kamid ah caqabadaha ugu waawayn ee uu wajahayo Madaxweyne Lafta Gareen?

- Xalinta xiisada ka dhalatay xariga Roobow –

Todobaadkii lasoo dhaafay ayay ahayd markii ay dowladdu Baydhabo kasoo xirtay Mukhtaar Roobow kaasi oo kamid ahaa Musharaxiinta ugu cad-cad, waxaana xarigiisa uu sababay dibad-baxyo rabshado watay oo dad badan ay ku dhinteen.

Rabshadaha ayaa galaaftay nolasha in ka badan 10 ruux oo uu ku jiro Xildhibaan, ahaa Gudoomiyaha Guddiga amniga Aqalka Wakiiladda Koonfur Galbeed, kaasoo ay toogteen ciidamada Booliska dowladda ay geysay Baydhabo.

Dadka u dhuun-daloola siyaasadda ayaa aaminsan in mid kamid ah waxyaabaha ugu horeeya ee loo baahan yahay inuu Lafta Gareen diiradda saaro xalkeeda ay kamid tahay arrinta Roobow, oo hadda xabsi ku jira.

- Amniga

Nabad-gelyadda waa qodob kamid ah waxyaabaha uu carabka ku dhuftay Cabdicasiis Lafta-Gareen inuu xal u raadin doono, inkastoo hogaamiyaashii isaga ka horeeyay dhamaantooda ay ku guuldareysteen sidii uu xalin lahaa.

Mid kamid ah dhibaatooyinka ugu waawayn ee jira ayaa waxay tahay furitaanka Jidka isku xira Muqdisho iyo Baydhabo, oo u gondoonsan xoogaga Al-Shabaab oo weeraro jidgal ah kula beegsaday madaxda iyo shaqsiyaadka muhiimka ah.

Khuburadda amaanka ayaa kula taliyay Madaxwaynaha inuu dowladda dhexe kala kaashado sidii loola tacaali lahaa nabad-gelyo la’aanta ku hubsatay Koonfur Galbeed, oo caqabada ugu wayn ay tahay Al-Shabaab.

– Siyaasadda –

Abuurista jawi siyaasadeed oo loo dhan yahay, waa waxyaabaha ugu waawayn ee looga fadhiyo inuu la yimaado Madaxwaynaha cusub, sidda ay aaminsan yahay dadka wax ka qora siyaasadda dalka Soomaaliya.

Maadaama loo arko inuu cilaaqaad toos ah kala dhaxeeyo dowladda dhexe, siyaasiyiinta aragtidaas naqdisa waxaa biyo kama dhibcaan ah inay si cad uga soo horjeesan doonan Barnaamijkiisa siyaasiga ah.

Balse, culimadda siyaasadda ayaa ku waaniyay Laftagareen in loo baahan yahay inuu soo jiito, islamarkaana uu umuujiyo "wajiyo furan".

- Dib-u-heshiisiin -

Koonfur Galbeed waxaa dega dhamaan Beelaha Soomaaliyeed, sidaasi darteeda, qaarkood waxay arkaan inaanu dookhoodu ahayn Laftagareen, halka qaarkoodna ay maagi karaan xariga Roobow oo dowladdu oo gacan-saarka la leeyahay ay xirtay.

Sidda ay qabaan Fallanqeeyayaasha siyaasadda, waxaa looga baahan yahay Wasiirkii hore ee Tamarta Soomaaliya inuu sameeyo dib u heshiisiin, uuna usheego inuu Madaxwayne dhamaan Beelaha uuna ucadaalad fali doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM