Carabey oo daboolka ka qaadey waxa keenay Khilaafka Galmudug [Dhageyso]

Image

CADAADO, Soomaaliya - Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Maxamed Xaashi Carabey ayaa uga digay hogaamiyaasha maamul goboleedyadda ee dalka inay dhinac ay ka xig-sadaan khilaafka soo kala dhex-galay madaxda maamulkiisa.

Carabey ayaa ugu baaqay Madaxweyniyaasha Shanta ah inay dhex-dhaxaad ay ka noqdaan xiisadaan, islamarkaana ay soo dhaweynayaa hadii iyagoo dhax-dhaxaad ah ay soo kala dhex-galayaa hogaanka ugu sareeya Galmudug.

“Xaqiiqada ayaa ah in aanan inaga heshiin karin, sababtoo ah Xaaf wuxuu joogaa Dhuusamareeb, wasiiradii iyo anaga Cadaado ayaan ku sugan nahay. Madaxda maamulada hadii ay si dhex-dhaxaadnayaan waan soo dhaweynaynaa,” ayuu yiri Carabeey.

Geesta kale, Carabey ayaa wuxuu soo dhaweeyay wadahalada ay dowlada Soomaaliya ic-laamisay, kaasoo ay ku heshiisiineyso sida ay xukuumada Muqdisho sheegtay madaxda Galmudug, kuwaasoo la qorsheeyay inay dhici doono 30-ka bishaan.

“Ma ahan inay la saftaan hal shaqsi, Galmudug ma ahan mid uu hal qof Jaabka ku ridan karo. Waan kala hadalnay madaxda maamuladda arrimahaas, intii uu socday shirkii Baydhabo, waxaana ka rajeynayaa inay nala qaataan,” ayuu hadalkiisa ku daray. 

Ugu dambeyn, Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa been abuur ku sheegay warka kasoo yeeray Garabka uu hogaaminayo Xaaf ee ahaa in dowlada Federaalka fara-gelin ku hayso Galmudug, ayna ku lug-leedahay khilaafka hadda jira.

Khilaafka u dhaxeeya madaxda Galmudug oo salka ku haysa awood-qeybsiga maamulkaan ayaa wuxuu sababay inuu Labo Garab u kala jabo maamulka, kuwaasoo kala ah jooga Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado.

Garabka ku sugan Dhuusamareeb waxaa hogaaminaya Madaxweyne Xaaf, waxaana la safan madaxa xukuuada Galmudug, halka garabka Cadaado ku sugan uu hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Maxamed Xaashi Carabey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM