Carabey oo ka hadlay baaqa Wasaarada Arrimaha Gudaha

Image

CADAADO, Soomaaliya - Madaxwayne ku xigeenka Galmudug, Maxamed Xaashi Cabdi Carabey ayaa soo dhaweeyay baaqa kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Gudaha ee ku aadan in la tix-gelyo heshiiskii ay ku midoobeen Ahlu Sunna iyo dowlad goboleedkan.

Wasaaradda ayaa sidoo kale ubalanqaaday dhinacyadda isku haya siyaasadda maamulkaan inay ka caawin doonto sidii ay uqabsan lahaayeen doorashooyin cadaalad iyo xalaal ah, maadaama arrimaha laysku hayo ay kamid tahay mudada xileedka Madaxwayne Xaaf iyo Xilldhibaanno cusub.

"Inaga ahaan, waan tix-gelineynaa heshiiskii Jabuuti oo ay ku midoobeen Galmudug iyo Ahlu Sunna, waana soo dhawayneynaa baaqa dowladda, balse, kooxda yar ee uu Xaaf wato ha ogolaadeen taasi," ayuu hadalkiisa udhigay mudane Carabaey.

Carabey ayaa sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday inaanu aqoonsaneen Xilldhibaan dhowaan ku shiray magaalada Dhuusamareeb, kuwaasoo ku dhawaaqay inay xilkii ka xayuubiyeen, isaga oo sharaxaad ka bixiyey sababta uu ku diiday.

"Horta aniga waxaa xil iga qaadi kara Xilldhibaano marka hore idoortey, kuwa aanan udooran maxay ii sheegayaan," ayuu yiri Maxamed Xaashi Cabdi Carabey oo wareysi uu siiyey Idaacadda VOA-da, gaara ahaan laanteeda afka Soomaaliga.

Muranka siyaasadeed ee ka dhex-jira hogaanka Galmudug ayaa haatan umuuqda mid gaarey heerkii ugu sareeyay, xili Xilldhibaano ku kala shiraya Dhuusamareeb iyo Cadaado ay sheegayaan inay xilalkii ka qaadeen hogaanka dowlad goboleedkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM