Carro ka dhalatay xayeysiis shaqo oo ay baahisey DF Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Sabtida maanta ah waxay baahisay xayeysiiska fursado shaqo oo ka banaan Telefishinka Qaranka ee SNTV.

Sidda ku xusan qoraalka oo uu arkay Garowe Online, fursadda waxay gaar u tahay "gabdhaha", boosaska banaanna waa laba.

Marka laga soo tago xirfad warbaahin, shuruudaha laga doonayo waxaa lagu kala tilmaamay; 1: Qof dumar ah, 2: Shahaaddo jaamacadeed, 3: Ka yar 25, 4: Dherer, misaan iyo muuqaal gaar ah leh.

Intaas waxaa wehlisa in ay leedahay muuqaal, cod telefishin iyo hub-qaad, sidda ku qoran warqadda iidhehda ah.

"Takoor meeshii ugu sareysay"

Saxafiyiin caan ah, siyaasiyiin iyo dadyow kale oo baraha bulshadda kaga falceliyey iidhehda ayaa ka muujiyey carro xoogan, waxayna qaarkood ku sifeeyeen "takoor meeshii ugu sareysay".

Cabdiraxmaan Yuusuf Xuseen [Caynte], wasiirkii hore ee Qorsheynta dowlada Soomaaliya, ayaa aaminsan "TV-ga Qaranku ma ahan goob lagu xayeysiiyo quruxda & labiska dumarka".

"12 sano ayaan suxufi & tafatire ka ahaa warbaahinta caalamka kuwa ugu waaweyn, waligeyna ma arag aflagaaddo, takoor iyo akhlaaq darro ka weyn middan! TV-ga Qaranku ma ahan goob lagu xayeysiiyo quruxda & labiska dumarka. iidhehdanna waxaa kasoo uraya ujeeddooyin kale oo gurracan," ayuu kusoo qoray bartiisa Twitter-ka.

Kadib cambaareynta iyo weji gabax ay kala kulmeen dadweynaha iyo wariyeyaasha, wasaaradda warfaafinta ayaa meesha ka saartay shuruuda afaraad ee muujineysa "bilic iyo qurux raadinta".

Lama bixin sharaxaad

Balse, ma jirto sharaxaad dheeri ah, raaligelin ama cudurdaar ah oo wasaaraddu ka bixiso baahida keentay shuruudo noocaas ah.

Cayne oo soo dhaweeyay dib-u-habeynta ay shuruudaha ku sameysay wasaaradda ayaa fahfaahiyey doodiisa.

"Waan uga mahad celinaa Wasaaradda Warfaafinta @MOISOMALIA inay saxday khaladkii foosha xumaa ee ka dhacay. Balse ilama qumana in da'a lagu xiro arjiyada boosaska bannaan (wixii ka hooseeya da'ada howlgabka rasmiga ah). Guuleysta!" ayuu kusoo xiray hadalkiisa.

Inta la og-yahay waa markii koowaad oo telefishinka Qaranku xayeysiiyo shaqo ka banaan, sanadihii u dambeeyay qorista howlwadeenada waxay ahayd nidaam daaha-gedaashiisa looga maamulo sida la doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi oo sheegay in DFS tirada Ciidanka gaarsiinayso 100,000-askari si ay ula dagaallanto Al-Shabaab

Intii uu la hadlayey xubnaha aqalka sare ee baarlamaanka, Fiqi wuxuu yiri, “Inta ay jiraan ciidamo shisheeye oo dalka jooga.

  • Soomaliya

    09-11-2025

  • 09:27AM

Shirkad Ku Xiran Villa Somalia oo Lagu Eedeeyay Heshiis Dhaqaale oo Muran Dhaliyay

Faa’iidooyinka kale waxaa ka mid ah ciqaabaha iyo ganaaxyada la xiriira deganaanshaha sharci-darrada ah.

  • Soomaliya

    09-11-2025

  • 09:04AM