Cawad: Go'aanka Muudey waxba kama jiro [War Saxaafadeed]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Mahad Cabdalla Cawad, gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Gollaha Shacabka ayaa kahor yimid go'aan uu soo saarey maanta Cabdiweli Ibraahim Muudey, gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Gollaha.

Qoraal uu soo saarey Mahad ayuu ku sheegay in go'aankii Cabdiweli Muudey uu ku iclaamiyay waqtiga uu dhacayo fadhiga Gollaha Shacabka ee loogu codeynayo Mooshinka Jawaari aayney waxba ka jirin.

"Waxaan caddeynayaa in wargelinta kasoo baxday Xafiiska gudoomiye ku xigeenka 1aad 25-ka Maarso aaney ahayn go'aan kasoo baxay Gudoonka iyo Xafiiska Gollaha," ayaa lagu yiri War Saxaafadeedka Mahad Cadalla.

Mahad ayaa sidoo kale tilmaamay in Cabdiweli Muudey uusan awood u lahayn go'aan ka gaarista jadwalka iyo ajandaha fadhiyada Gollaha Shacabka, sida uu qabo xeer-hoosaadka qodobkiisa 12aad.

Wuxuu xusay in hadii Mooshin laga keeno Gudoomiyaha ama ku xigeenadiisa laga wareejinayo oo kaliya shir gudoominta, balse aysan micnuhu ahayn inaysan lahayn awoodda go'aan ka gaarista fadhiyada.

Hadalka Mahad Cawad Cabdalla ayaa yimid saaacado kadib markii uu maanta Cabdiweli Muudey shaaciyay in maalinta sabtida ah ee soo socota, 31-ka Maarso la qabanayo fadhiga Gollaha Shacabka.

Cabdiweli Muudey oo gacanta ku haya Mooshinka Xilka looga qaadayoo Jawaari ayaa ku amray Xildhibaanada fasaxa ku maqan inay soo xaadiraan, si ay uga qeyb galaan cod u qaadista mooshinka.

Hoos ka akhri War Saxaafadeedka:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Booqasho ay ku Tilmaantay Sharci-darro Cambaareysay

Warsaxaafadeed ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya soo saartay Talaadadii…

  • Soomaliya

    06-01-2026

  • 09:52PM

Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo Heshiis ka Gaarey Khilaafkooda Shakhsiyeed

Kulankan oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray sidii loo yareyn lahaa xiisadda siyaasadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    05-01-2026

  • 08:02AM