Cawad: Go'aanka Muudey waxba kama jiro [War Saxaafadeed]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Mahad Cabdalla Cawad, gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Gollaha Shacabka ayaa kahor yimid go'aan uu soo saarey maanta Cabdiweli Ibraahim Muudey, gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Gollaha.

Qoraal uu soo saarey Mahad ayuu ku sheegay in go'aankii Cabdiweli Muudey uu ku iclaamiyay waqtiga uu dhacayo fadhiga Gollaha Shacabka ee loogu codeynayo Mooshinka Jawaari aayney waxba ka jirin.

"Waxaan caddeynayaa in wargelinta kasoo baxday Xafiiska gudoomiye ku xigeenka 1aad 25-ka Maarso aaney ahayn go'aan kasoo baxay Gudoonka iyo Xafiiska Gollaha," ayaa lagu yiri War Saxaafadeedka Mahad Cadalla.

Mahad ayaa sidoo kale tilmaamay in Cabdiweli Muudey uusan awood u lahayn go'aan ka gaarista jadwalka iyo ajandaha fadhiyada Gollaha Shacabka, sida uu qabo xeer-hoosaadka qodobkiisa 12aad.

Wuxuu xusay in hadii Mooshin laga keeno Gudoomiyaha ama ku xigeenadiisa laga wareejinayo oo kaliya shir gudoominta, balse aysan micnuhu ahayn inaysan lahayn awoodda go'aan ka gaarista fadhiyada.

Hadalka Mahad Cawad Cabdalla ayaa yimid saaacado kadib markii uu maanta Cabdiweli Muudey shaaciyay in maalinta sabtida ah ee soo socota, 31-ka Maarso la qabanayo fadhiga Gollaha Shacabka.

Cabdiweli Muudey oo gacanta ku haya Mooshinka Xilka looga qaadayoo Jawaari ayaa ku amray Xildhibaanada fasaxa ku maqan inay soo xaadiraan, si ay uga qeyb galaan cod u qaadista mooshinka.

Hoos ka akhri War Saxaafadeedka:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM