Cawad oo beeniyey warar laga faafiyey Wasaarada Arrimaha Dibadda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Axmed Ciise Cawad, wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya, ayaa gaashaanka ku dhuftay wararka sheegaya khilaaf kala dhaxeeya wasiiru-dowlihiisa, C/qaadir Axmed Kheyr Cabdi.

Wareysi uu caasimadda dowladda Puntland ee Garowe ku siiyey telefishinka Somali Cable ayuu kaga jawaabay hadalheyntaas.

"Warbaahinta waxay doonto bey qori kartaa, laakiin anigu waxaan ku leeyahay Wasaaradda Arrimaha Dibadda wasiir bey leedahay, wasiiru-dowlena waa leedahay, maamulka wasaarada waa iska leh wasiirka," ayuu ku jawaabay markii la hor-dhigay waxay sheekooyinka war-fidiyeenka.

Mar la waydiistay in uu si cad u qeexo in uusan jirin wax khilaaf ah, wuxuu xusay "ma jiro khilaaf, wasaaradda anigaa mas'uul ka ah".

Xilli leysku dayey in la saaro cadaadis dheeraad ah isla markaana uu caddeeyo arrimaha jira, Cawad ayaa si weyn isku difaacay.

"Wasaaradda howsheeda ayay wadataa, waana shaqeysaneysaa, anigaa mas'uul ka ah," ayuu carabka ku adkeeyay diblumaasiga.

Hadalka wasiirka ayaa imaanaya markii saxaafaddu ay qortay in isaga iyo wasiiru dowlihiisa ay isku hayaan magacaabista Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Warqado iska hor-jeeda oo ku saabsan magacaabida ayay saxaafadda qoraalka soo bandhigtay, wallow aysan baahin caddeymo.

Dhowr jeer ayay horey u dhacday in wasaaraddaha xukuumadda ra'iisul wasaare Khayre ay madaxooda isku khilaaf arrimaha dhexdooda ah, taasoo kalifta in ay soo farageliyaan madaxda Qaranka si loo xaliyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM