DF oo booliska Malaysia u adeegsatay joojinta xaflada CC Shakuur

Image

KUALA LUMPUR, Malaysia – Booliska Malaysia ayaa siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame u diidey in uu la hadlo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas.

Talaabadan ayaa ka dambeysay markii Safaaradda Soomaaliya ee qarankaas dhaca koonfur-bari ee Asia ay warqad u dirtay bileyska.

Sidda ku xusan qoraal uu arkay Garowe Online, safaarada ayaa sheegtay in hogaamiyaha xisbiga Wadajir uu ku socdo baaritaan ku saabsan "fal dambiyeed" aysan fahfaahin.

Sidoo kale, safaaradda ayaa cuskatay fatwo ka dhan ah Warsame oo la iclaamiyey markii lagu eedeeyay in uu "si qaldan" u turjumay Diinta Islaamka, wallow uu beeniyey.

Illo lagu wareedyo ayaa sheegay in bileyska ay soo galeen xafladda oo socotay kuna amreen in la joojiyo. Xogta waxay sheegeysaa in Warsame uu xiligaas soo afjaray hadalka.

Villa Soomaaliya ayaa lagu dhaliilay talaabooyinka liddiga ku ah siyaasiyiinta mucaaradka, waxaana falalkaas lagu qeexay caburin iyo xadgudub ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Bishii December, 2017, Warsame ayaa la xiray markii laamaha ammaanka Soomaaliya ay xili habeen ah howlgal ku beegsadeen guriga siyaasiga ee magaaladda Muqdisho.

Howlgalkaas ayaa wuxuu sababay dhaawac fudud oo soo gaarey Warsame iyo geerida shan kamid ah ilaaladiisa. Murashaxa madaxweyne ayaa la xiray isagoo dhaawacan.

Xeer-ilaalinta oo ku eedeysay "khiyaano qaran" ayaa ku fashilantay caddeymaha. Kadib arrintaas, maxkamadda gobolka Banaadir waxay damaad kusii deysay siyaasi Warsame.

Qoraalka booliska Malaysia

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM