Ciidamada Dowlada Somaaliya Ma Mari Karaan Wadada Iyagoo dad Layn?

Image

Askari ka tirsan ciidanka dawladda Soomaaliya ayaa xalay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ku dilay allah u naxariistee Safiya Cabdiraxmaan oo ahayd gabar macallimad ka ah iskuul ku yaalla magaalada.

Dadka deegaanku waxay sheegeen in dilkeeda uu yimid markii uu askarigu rasaas ku riday mooto-bajaaj ay saarnayd, "isagoo doonayey inuu rasaasta waddada ku furto".

Safiya waxay ugu dambaysay dad ay dileen askarta dawladda ama siyaabo kale gacantooda ugu dhintay.

Dadkaas waxaa kow ka ah darawallada mootooyinka bajaajka oo aan xataa la is weydiin marka la dilo ka dib. Waxaa xusid mudan is rasaasta ku dhacday Safiya lagu riday mootada bajaajta ee ay saarnayd.

Bishii Siteembar ayaa Deeqa Daahir oo ahayd gabar 9 jir ah oo saarnayd baska iskuulkeeda waxaa gaariga rasaas ku furay askari ilaalo u ahaa jeneraal ka tirsan madaxda ciidamada dawladda. Ilaa hadda maxkamad lama hor keenin lamana oga in la qabtay iyo in kale.

Cabdirisaaq Qaasim wuxuu ahaa sawir qaade u shaqeeya TVga SBS, askarigii dilayna lama soo qaban

Dabayaaqadii bishii Luulyo waxaa magaalada Muqdisho toogasho lagu dilay Cabdirisaaq Qaasim Iimaan. Waxaa toogtay askari ka tirsan ciidanka dawladda. Lama maxkamadayn, lamana qaban.

Arrintaas waxaa qaylo dhaan weyn ka muujiyey bulshada rayidka. Muna xasan Maxamed waxay ka mid tahay dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda.

Dhowr ka mid ah darawallada Bajaajyada ayaa ku dhintay gacanta ciidanka dawladda

"Aad ayey u xanuun badan tahay in bulshada dadkeedii waxgalka ahaa la dilo" ayey tiri.

"Aragtida bulshada waa in askarta dawladda ay yihiin saaxiibka ugu dhow, laakinse ma jiri karto qaab ay saaxiib ku noqon karaan haddii aysan jirin cid xuquuqdoodi ka hadlaysa. Way xanuun badan tahay in dadka indhahoodii la dilayo oo haddana uusan Shabaab sheeganaynin ee la leeyahay askarta dawladda ayaa dishay, dadkiina ay dawladdii aaminsan yihiin oo ay la joogaan" ayey sii raacisay Muna.

BBC waxay la xiriirtay afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya Gaashaanle sare Qaasim Axmed Rooble oo u sheegay in askarigii dilay macallimadda uu iskiis isu soo dhiibay, kiiskiisana sharciga loo gudbin doono, wuxuuse intaa ku daray in ay "rasaastu ka fakatay.

Afhayeenka ciidanka booliska G/sare Qaasim Axmed Rooble

Askariga waan haynaa, sharciga ayaan hor gaynaynaa wixii uu ka helo ayuuna leeyahay" ayuu yiri kornayl Qaasim oo intaas ku daray in marxuumadda maanta la aasay.

Mar ay BBC weydiisay dadkii dilalka kale gaystay ee aan loo qaban wuxuu sheegay in "gudahana aysan ku fakan doonin, dibaddana ay la kaashan doonaan booliska caalamiga ah ee Interpol sidii loo soo qaban lahaa".

Kiisaskaas waa inta la ogyahay ama la maqlo, waxaase jira kuwo aan la ogeyn ama sida ay u dheceen aan wax badan lagala socon, waxaana la iska illoobaa maalmo ka dib.

Waxaa intaas dheer sida ay aaminsan yihiin dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha "in si toos ah iyo si dadbanba dadka canshuur looga qaado, ayna mudan yihiin in amnigooda la sugo, haddii aan la sugi karinna ugu yaraan ay ka nabad galaan xabbadda kaga imaanaysa ciidanka dawladda".

BBC

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM