Ciidamo Ajnabi ah oo Al shabaab kala wareegay Deegaanka Bariire

Image

BARIIRE, Somalia - Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM, oo garab ka helaya Militariga Mareykanka ayaa saaka dagaal kula wareegay Deegaan ay Kooxda Al shabaab gacanta ku haysay, oo ku yaalla gobolka Shabeellaha hoose, ee Koonfurta dalka Somalia.

Axmed Ibraahim, oo ah Sarkaal katirsan Ciidamada Xoogga dalka, oo ku sugan gobolka ayaa u xaqiijiyay Warsidaha Garowe Online in ciidamada huwanta ay qabsadeen Deegaanka Bariire, oo qiyaastii 60KM dhanka Waqooyiga Galbeed uga beegan magaalada Muqdishu.

Ciidamo Mareykanka ah, oo watay Diyaaradaha qumaatiga u kaca, ee Helicpters-ka ayaa dusha uga daatey duleedka deegaanka, kahor intasa aysan dagaalka la gelin dagaalyahanada Al shabaab, iyadoo dhanka dhulkana ay ka weerareen Ciidamada dowladda Federaalka iyo AMISOM.

Lama ogga Khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhashay dagaalka Bariire, balse dadka deegaanka ayaa kusoo waramaya in Deegaanka gudahiisa ay ka socdeen Howlgalo baaritaano ah oo ay sameynayaan Ciidamada oo baaraya hub iyo walxaha qarxa oo ay ka carareen Al shabaab.

Bishii May billowgeeda, Askari katirsanaa Neavy SEAL, oo ah Ciidamada sida gaarka u tababaran ee Mareykanka ayaa lagu dilay howlgal ka dhacay Bariire, iyadoo dilka Askarigaasi kadib ay socdeen dedaallo Al shabaab halkaasi looga saarayo.

Dilka Askariga Navy SEAL-ka oo lagu magacaabi jiray Kyle Milliken, oo 38 jir ahaa ayaa noqday midkii ugu horeeyay oo gudaha Somalia loogu geesto Askari u dhashay Mareykanka tan iyo sanadkii 1993, oo 18 Askari lagu dilay Muqdishu xilligii uu socday Howlgalka Rajo soo celinta (Operation Restore Hope).

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM