​Ciidamada dowladda oo la wareegay deegaano katirsan gobolka Gedo

Image

MUQDISHU, Somalia- Ciidanka dowladda Federaalka Somalia, ayaa maanta la wareegay deegaano katirsan gobolka Gedo oo ay maamuli jirtay kooxda Al Shabaab.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidankan oo katirsan kuwa milatariga ay gacanta ku dhigeen dhowr deegaan oo hoos yimaada gobolkaas.

Qabshada deegaanada ayaa ku yimid dagaal dhexmaray kooxda Al Shabaab iyo ciidanka dowladda kaasoo lagusoo waramayo inay ka dhasheen khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee ku sugan gobolka Gedo ayaa ku waramay in dagaalkaasi in ay kula wareegeen fariisimo Shabaab ay lahaayeen iyo Agab Millitari.

Dagaalka ayaa si gaar ah uga dhacay goobo 30-KM ujira degmada Baardheere.

Lama oga tirada rasmiga ah ee labada dhinac waxyeelladu kasoo gaartay dagaalkaas.

Faarax Maxamed Turbac oo ah sarkaalka hoggaaminayay Dagaalka oo la hadlay warbaahinta gudaha, ayaa tilmaamay inay qaadeen xilli habeen ah islamarkaana dhabar jab u gaysteen mallayshiyaadka kooxda Shabaab.

Majirto wax war ah oo ilaa hadda kasoo baxay kooxda Al Shabaab oo ku aadan sheegashada dowladda Somalia ee guusha dagaalka Gedo.

Gobolkaas meelo kamid ah waxaa gacanta ku hayaa Shabaab, waxaana socda dadaalo dowladda Somalia ku doonayso inay kaga xorayso guud ahaan gobollada dalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM