Ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya oo 15 Bilood aan Mushahar Qaadan
NEW YORK — Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa Axaddii sheegay in ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) aysan wax mushahar ah helin muddo 15 bilood ah, taasoo khatar weyn ku ah sii socoshada howlgalka lagula dagaallamayo Al-Shabaab.
Guterres oo ka hadlayay shir heer sare ah oo ka dhacay magaalada New York ayaa sheegay in ciidamada AUSSOM ay muddo sannad iyo bar ah ku sugnaayeen safka hore ee dagaalka, iyagoo aan helin wax gunno ah, taasoo uu ku tilmaamay xaalad "aan la aqbali karin."
"Ciidamadan waxay naftooda u hureen badbaadinta Soomaaliya. Mushahar la’aanta joogtada ah waxay wiiqeysaa kalsoonida iyo waxqabadkooda," ayuu yiri Guterres.
Howlgalka AUSSOM, oo lagu beddelay AMISOM sanadkii 2022, ayaa ka kooban kumannaan askari oo ka kala socda dalal dhowr ah oo Afrikaan ah. Ciidamadan ayaa si gaar ah uga howlgala gobollo ay ku xooggan yihiin kooxda Al-Shabaab.
Masuuliyiinta Qaramada Midoobay waxay sheegeen in dhaqaalaha lagu taageero howlgalka uu si aad ah hoos ugu dhacay tan iyo markii la wareegay magaciisa cusub, isla markaana aysan jirin maalgelin joogto ah oo si rasmi ah u taageerta mushaharka ciidamada.
Shirka New York oo ay ka qayb galeen wakiillo ka socda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo dowlado deeq-bixiyeyaal ah, lagamana helin wax ballanqaad dhaqaale ah oo toos ah, taasoo sii hurisay walaaca laga qabo in howlgalka uu istaago.
Warbixin rasmi ah oo ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in haddii aan si degdeg ah loo helin maalgelin, ay jirto cabsi ah in Al-Shabaab ay dib u hanato dhulal muhiim ah oo hore looga saaray.
Wakiillada Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa cod dheer ku dalbaday in la bixiyo mushaharka ciidamada, iyaga oo sheegay in aanay suuragal ahayn in hawlgalka la sii wado iyadoo aan laga jawaabin baahiyaha asaasiga ah ee ciidanka.
GAROWE ONLINE