Ciidamada Puntland oo u ruqaansadey degaanka Madashoon

Image

Dec 28, 2014 [GO]- Wararka Warsidaha Garowe Online ka helayo ilo ku dhow saldhigayda ciidamada amniga Puntland ku leeyihiin Buurta Galgala ayaa sheegaya in ciidamada qabsadeen maalintii shaley aheyd degaanka Madashoon halkaas oo saldhig Labaad u aheyd kooxda Al-shabaab.

Degaanka Madashoon ayaa 23 KMG dhinaca Galbeed u jirta Buurta Galgala halkaas oo saldhig u ah ciidamada amniga Puntland.

Ciidamada amniga Puntland ayaa wararku sheegayaan iney howlgalkaan ku dileen 12 ka tirsan kooxda Al-shabaab kuwaasoo isaga cararey degaanka Madashoon.

Saraakiil ka tirsan dowlada oo ka tirsan kuwa argagixisada la dagaalama ayaa wararku sheegayaan iney tageerayeen ciidamada dagaalkaan ku tagey degaanka Madashoon.

Howlgalkaan oo noqnaya mid lagaga sifeynayo kooxdaan ku dhuumaaleysata degaanada fog ee ku yaal buuraleyda Golis ayaa bilowdey maalintii shaley iyadoo la filayo inuu socda maalmaha soo socda.

Dowlada Mareykanka oo ka tirsan wadamada ka tageera wadanka Somalia la dagaalanka Al-shabaab ayaa dabada ka riixaysa dagaalkaan la damacsan yahay in lagaga xoreeyo kooxdaan degaanka buuraha Golis kadib markii sanadkii 2014 ku soo xoogeysteen degaankaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM