Ciidamadda dowladda oo "galay" degmadda Aadan Yabaal

Image
Dadka degaanka loo bixiyey Macawiisleyda ayaa lagu waramay in ay qeyb ka yihiin howlgalkan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamadda dowladda federaalka oo taageero ka halaya Macawiisleyda ay "galeen" degmadda Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Maleyshiyaadka Al-Shabaab ayaa maamulayey magaaladan tan iyo 2016-dii waxaana 245 KM dhanka waqooyi kaga aadan Muqdisho. Dowladda wali kuma dhawaaqin in ay si rasmi ah ula wareegtay.

Milatariga oo garab-sanaya dadka degaanka ayaa xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida kula dagaalamay duleedka Aadan Yabaal laba casho kahor. Wali lama ogga khasaaraha iska-hor-imaadkaas.

Saraakiisha ayaa sheegay in dagaalameyaasha hubeysan ay "ka hayaameen" degmadda kadib markii "ay iska caabin waayeen boqolaalka ciidamadda iyo dadka degaanka ee kadiyey".

"Labadii maalmood ee lasoo dhaafay, waxaa gudaha degmadda ka socdey miino baaris iyo hubin si looga hortago khatar amni oo ka dhalan karta haddii taxadar la'aan la galo," ayay xuseen.

Lama ogga haddii ciidamadda hantey Aadan Yabaal ay baaqi kusii ahaan doonan maadaama horey looga bartey askarta Soomaaliya in ay dib uga soo baxaan goobaha ay gacanta ku dhigaan.

Al-Shabaab ayaa lagu waramay in ay Aadan Yabaal u ahayd fariisinka ugu weyn ee ay ku lahayd gobolka Shabeellaha Dhexe. Sidoo kale, waa degmadii ugu dambeysay ee ay ka haysteen gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM