Ciidamadda oo weerar gaadmo ah ku dilay xubno Al-Shabaab ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – In ka badan 20 kamid ahaa Al-Shabaab ayaa lagu dilay kadib markii ay ciidamadda Soomaaliya howlgal ka fuliyaan gobolka bartamaha dalka dhaca ee Hiiraan, sidda ay shaaciyeen saraakiisha.

Maxamed Nuur Cagajoof, duqa magaaladda Jalalaqsi, ayaa u sheegay warbaahinta in howlgalka laga sameeyay inta u dhaxeysa Jalalaqsi iyo Buula Burde, isla markaaa ay halkooda kasii wadi doonan.

"Waxaan kaloo kasoo furanay 18 qori iyo rasaas," ayuu Cagajoof u sheegay laanta Af Soomaaliga ee VOA-da.

Howlgalka ayaa yimid markii ay Al-Shabaab weeraro kala duwan ka gulisay gobolkaas ayna beegsatay ciidanka dowladda iyo saaxiibadooda caalamiga ah ee AMISOM, ayuu hoosta ka xariiqay.

Cagajoof ayaa ka gaabsaday in uu carabaabo waxyeeladda soo gaarey ciidanka dowladda ee uu xusay in ay qaadeen howlgalka.

Marka laga soo tago sheegashadda duqa, ma jiro wax war ah oo ku saabsan gulufkan oo kasoo baxay dhanka Al-Shabaab, illaa iyo hadda.

Madaxweynaha HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare, ayaa mar sii horeysay wuxuu waydiistay dowladda federaalka in laga taageero baacsiga xoogaga gacansaarka la leh shabakadda argagixisadda ah ee Al-Qaacida.

Bishaan October 7-deeda ayay ahayd markii duleedka degaanka Cabdi Biroole ee gobolka Jubadda Hoose lagu khaarijiyey 20 kamid ahaa Al-Shabaab markii ay howlgal sameeyeen ciidamadda Jubbaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM

Madaxweynaha Somaliland oo booqasho uga billaabatay Israel

Kulankaas ka dib, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa furi doono safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus maalinta berri ah.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 08:15AM