Ciidamadda oo weerar gaadmo ah ku dilay xubno Al-Shabaab ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – In ka badan 20 kamid ahaa Al-Shabaab ayaa lagu dilay kadib markii ay ciidamadda Soomaaliya howlgal ka fuliyaan gobolka bartamaha dalka dhaca ee Hiiraan, sidda ay shaaciyeen saraakiisha.

Maxamed Nuur Cagajoof, duqa magaaladda Jalalaqsi, ayaa u sheegay warbaahinta in howlgalka laga sameeyay inta u dhaxeysa Jalalaqsi iyo Buula Burde, isla markaaa ay halkooda kasii wadi doonan.

"Waxaan kaloo kasoo furanay 18 qori iyo rasaas," ayuu Cagajoof u sheegay laanta Af Soomaaliga ee VOA-da.

Howlgalka ayaa yimid markii ay Al-Shabaab weeraro kala duwan ka gulisay gobolkaas ayna beegsatay ciidanka dowladda iyo saaxiibadooda caalamiga ah ee AMISOM, ayuu hoosta ka xariiqay.

Cagajoof ayaa ka gaabsaday in uu carabaabo waxyeeladda soo gaarey ciidanka dowladda ee uu xusay in ay qaadeen howlgalka.

Marka laga soo tago sheegashadda duqa, ma jiro wax war ah oo ku saabsan gulufkan oo kasoo baxay dhanka Al-Shabaab, illaa iyo hadda.

Madaxweynaha HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare, ayaa mar sii horeysay wuxuu waydiistay dowladda federaalka in laga taageero baacsiga xoogaga gacansaarka la leh shabakadda argagixisadda ah ee Al-Qaacida.

Bishaan October 7-deeda ayay ahayd markii duleedka degaanka Cabdi Biroole ee gobolka Jubadda Hoose lagu khaarijiyey 20 kamid ahaa Al-Shabaab markii ay howlgal sameeyeen ciidamadda Jubbaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Ku Baaqday Xal Nabad Ah oo Lagu Dhameeyo dagaalka Sudan

Wasiir Omar iyo Safiirka Sudan ayaa sidoo kale ka wada hadlay arrimaha bani’aadamnimo, gaar ahaan xaaladda El Fasher.

  • Soomaliya

    03-11-2025

  • 01:33PM

Diyaaradaha dagaalka Turkiga ee T129 ATAK oo lagu arkay Hawada Muqdisho   

Warbixintan ayaa timid iyadoo baraha bulshada lagu faafiyay warar sheegaya in diyaaradahaasi la wareejiyay.

  • Soomaliya

    03-11-2025

  • 06:56AM