Ciidamo Itoobiyaan ah oo lagu weeraray koonfurta Soomaaliya

Image

BAYDHABO, Soomaaliya – Kolanyo ay la socdeen ciidamo Itoobiyaan ah oo aan la ogayn hadii ay yihiin kuwa ka tirsan howlgalka AMISOM ayaa saacadihii lasoo dhaafay lagu weeraray koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Sidda ay wararku sheegayaan, kolanyadda oo ka koobanaa afar gaari ayaa qaraxyo iyo weerar toos ah lagula eegtay wadada xiriirisa degmooyinka Qansaxdheere iyo Bardaale ee Gobolka Baay.

Dadka degaanka ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in ay maqleen daryenka hub culus oo la aaminsan yahay in dhinacyadda ay is-weedaarsadeen.

Iska hor-imaad ayaa lasoo wariyey in uu dhexmaray labadda daraf, taas oo aanan la xaqiijin khasaaraha guud ahaan ee soo kala gaarey labada dhinac.

Ma jiro wax war ah oo ku aadan dhacdadaan oo illaa iyo haatan kasoo baxay dhanka Ciidamadda AMISOM iyo Koonfur Galbeed. Balse, xiriiro kala duwan oo Garowe Online la sameeyay kama jawaabin.

War-qoraal ah oo xoogaga gacansaarka la leh shabakada argagixisada Al-Qaacida kasoo saareen qaraxyadda iyo weerarka ayay ku sheegteen guulo.

Ciidamadda Itoobiyaanka ah ee ku sugan qaybo kamid ah koonfurta Soomaaliya ayaa isugu jira qayb kamid ah howlgalka nabad-ilaalinta AMISOM iyo kuwa aan kamid ahayn ayaa si joogto ah ula kulmo weeraro.

Talisyaddooda kala duwan oo aan ka jawaabn dalabyadda saxaafada gudaha ee fahfaahinta weeraradda ayaa aalaaba qariya waxyeeladda soo gaara.

Qaar kamid ah xisbiyadda mucaaradka ayaa ka walaacsan joogitaanka Itoobiyaanka aan kamid ahayn AMISOM ee korortay, iyagoo tuhunsan "in madaxda doonayaan in ay ku boobaan doorashooyinka soo aadan".

Al-Shabaab oo loo aqoonsaday halista ugu weyn ee nabad-gelyadda Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay sarre u qaaday qaraxyadda miinooyinka oo ay ku beegsaneyso ciidanka dowladda iyo kuwa kala ee caalamiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaafkii Villa Somalia Oo Banaanka Yimid: Mahad Salaad Oo Ka Horyimid Qorshaha Xasan Sheekh

Tallaabadaas ayaa la sheegay inay si weyn uga careysiisay Taliyaha Hay’adda Nabad..

  • Soomaliya

    27-05-2026

  • 10:32AM

Dalal Muslimiin ah oo cambaareeyay safaarad Somaliland sheegtay inay ka furanayso Qudus

Waxay sidoo kale si cad u diideen tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo ay sheegeen in ay wiiqayso madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya.

  • Soomaliya

    24-05-2026

  • 12:54PM