Ciidamo loo xiray taliye lagu dilay bar laga ilaaliyo Villa Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliyihii ururka Gorgor ee kumaandooska Soomaaliya ayaa lagu dilay iska hor-imaad Jimcadii ka dhacay Muqdisho, sidda ay xaqiijiyeen illo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Maxamed Suleymaan Abuukar ayaa u geeriyooday dhaawac kasoo gaarey isku dhaca ilaaladiisa iyo ciidamo boolis ku dhexmaray nawaaxiga Madaxtooyada gaar ahaan argagaarka Tiyaatarka.

Goobta dhacdada laga soo wariyay ayaa waxaa ku yaala kontarool ay ciidamo boolis ah ku sugan yihiin, kaasoo kamid ah baraha laga ilaaliyo ammaanka Madaxtooyadda Qaranka.

Maxamed Daahir, oo ah korneyl ka tirsan taliska booliska, ayaa u sheegay GO in ciidamo halkaas ku sugnaa loo xiray falkan, kuwaas oo wajahaya dacwad kahor inta aan su'aalo la waydiin.

"Nasiib daro, askari kale oo ilaalo u ahaa taliyaha ayaa ku naf-waayey dhacdadan oo baaritaan lagu sameyn doono waxa dhaliyey," ayuu Korneylka hadalkiisa ku daray.

Korneyl Daahir ayaa wuxuu ka gaabsaday in uu shaaca ka qaado tiradda guud ee askarta xabsiga loo taxaabay. 

Ururka Gorgor ee kumaandooska Soomaaliya ayaa waxaa tababaray ciidamadda Turkiga, waana cutubyadii ugu horeeyay ee kasoo aflaxay Dugsiga Tababarka Turkidu ku leeyihiin Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo dib u eegaya hawlgalka xasilinta Soomaaliya

Ugu dambeyn, waxaa la filayaa in Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika uu dhowaan soo saaro war-murtiyeed ku saabsan arrintan.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 07:20AM

Dhakhtar Kenyan ah oo farriin muuqaal ah soo diray isagoo ku jira gacanta Al-Shabaab

Ilaa iyo hadda, Qaramada Midoobay iyo dowladda Kenya midkoodna kama aysan soo bixin jawaab rasmi ah oo ku aaddan baaqa uu diray Kimiti.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 06:02AM