Ciidamo uu Turkiga u tababaray Soomaaliya oo qarax lagu dilay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ugu yaraan afar askari ayaa ku naf-weysay kadib qarax ka dhacay duleedka Koonfur Galbeed Muqdisho, habeenimadii Talaadada.

Weerarka oo ka dhashay Miino ayaa waxaa lagu waramayaa in lala beegsaday ciidamo Boolis ah oo uu tababaray milatariga Turkiga.

Cutubyadda la bartilmaameedsaday ayaa waxaa lagu magacaabaa Haram-cad, waana bileyska sida gaarka ah u tababaran.

"Miinadda waxay la kacday ciidanka iyaga oo maraya agagaarka Isbitaalka Al Birri oo ku teedsan isgoyska Siinka Dhee," ayuu yiri Goobjooge la hadlay GO.

Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkan, balse waxaa aalaaba looga bartay dagaalamayaasha hubeysan ee Al-Shabaab.

Taliska Booliska Soomaaliya oo xaqiijiyey falkan ayaa wuxuu tilmaamay in saddex askar ay ku dhaawacmeen falkan, kuwaasi oo soo kabasho ku jira.

Qaraxyadda Miinooyinka ayaa waxay kamid yihiin xeeladaha dagaal oo ay adeegsato Al-Shabaab kuna beegsato ciidanka dowladda iyo xulafadooda caalamiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM