Ciidamo uu wato Jeneral Caanood oo la wareegay Marka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta Magaaladda Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose ee Koonfurta dalka Soomaaliya.

Saraakiisha ciidamada xooga dalka ee ku sugan gobolka ayaa sheegaya inay usuuragashay la wareegista Magaaladda Marka kadib markii ay isaga baxeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo qayb ahaan maamuli jirtay.

Col. Cabdullaahi Shoodhe oo kamid ah saraakiisha ciidanka xooga ee gobolka ku sugan ayaa ka dalbaday shacabka ku nool Marka inay kala shaqeeyaan sidii amni iyo maamulka loogu soo celin lahaa Magaalada.

Wuxuu tilmaamay in qabshada Magaaladda aysan kala kulmin wax iska caabin ah, isaga oo hadalkiisa ku daray inay kasoo galeen dhanka degaanka Shaleembood, halkaasoo maalin kahor Qarax lagu eegtay ciidanka

"Ciidamada xooga dalka waxay qabsadeen Magaaladda Marka, waxaana ka codsan lahayn Shacabka inay nagala shaqeeyaan sidii aan amniga iyo maamulka ugu soo celin lahayn," ayuu yiri Cali Dhuux.

Magaaladda Marka oo ah xarunta gobolka Shabeellaha Hoose, waxay kamid ah meelaha ugu muhiimsan ee gobolka, xili sanadihii ugu dambeeyay maamulkeeda isku dhiib-dhiib ahayd

Gudaha Magaaladda waxaa maamulayay Maleyshiyaad hubeysan oo qaab Beeleed u abaabulan, halka dhinac kale ay ka joogeen xoogaga Al-Shabaab, ciidanka dowladda iyo AMISOM ayaa dhinac kale joogay.

Ma jiro war rasmi ah kasoo baxay kooxda xiriirka la leh Al-Qaacidda ee Al-Shabaab oo ay kaga jawaabayaan sheegashadaan saamaynta leh ee kaso yertay Taliska ciidanka xooga dalka ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellah Hoose oo ay ku taalo dekad qadiimi ah ayaa waxay caasimadda dalka ee Muqdisho ay kaga beegan tahay dhanka Koonfur Galbeed 109 KM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo daaha ka qaadey labo qorshe uu isku dhinac waddo

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa labadan qorshe waxa uu ku tilmaamay in ay yihiin kuwa taariikhi ah.

  • Soomaliya

    16-04-2024

  • 04:57AM

Dowlada Soomaaliya oo xayirtay akoonadii bangiyada ee Ururka SJS

SJS ayaa sheegtay in talaabadan ay ka dambeeyaan madaxda Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda federaalka.

  • Soomaliya

    16-04-2024

  • 04:38AM