Ciidan katirsan DF oo ku faaney bililiqo ay ka geysteen xaruntii Ahlu Sunna

Image

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Askar ka tirsan ciidanka booliska dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ee uu Turkiga tababaray [Haramcad], ayaa ku faanay bililiqo ay ka geysteen xarunta Inji ee shalay ay kala wareegeen Ahlu Sunna.

Kadib markii ciidamada DF qabsadeen xarunta Inji, waxaa Facebook Live soo galay dhowr askari, si ay usoo bandhigaan alaabta ay bililiqeysteen, oo ay kamid yihiin, Mobile, Koofiyad, Macawiis, go’ iyo tusbax.

Muuqaalka oo hadalheyn ka abuuray baraha bulshada, ayaa lagu tilmaamey arrin ceeb weyn ku ah habdhaqanka ciidanka qaranka, ee loo tababaray difaaca dalka, ilaalinta sharafta dadka iyo amniga.

Askarta bililiqada u geystay xarunta Inji ee Dhuusamareeb ayaa isku tilmaamay “geesiyaal iyo libaaxyo”, waxayna ku dhawaaqayeen “Guul Harmacad, Farmaajo hanoolaado, Xasan Cali Khayre hanoolaado”.

Haramacad, oo Turkiga uu tababar siiyay, ayaa la geeyay dhawaan gobollo ay kamid yihiin Gedo iyo Galgaduud oo ay ka abuuray xasilooni-darro, iyagoo ka geysanaya tacadiyo ka dhan ah bini’aadnimada.

Madaxda Villa Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay inay ciidanka qaranka u adeegsadaan dano siyaasadeed iyo caburinta shaqsiyaadka ka fekerka duwan, waxaana arintaasi cambaareeyay Mareykanka oo dhawaan ugu baaqday Farmaajo inuu si deg-deg ah ciidanka uga soo qaado Gedo.

Xarunta Inji ayaa ka dhacay dagaal billowday habeenkii Jimcaha, islamarkaana socday illaa maalintii Sabtida ee shalay, kaasoo u dhaxeeyay ciidanka DF iyo malleeshiyada Ahlu Sunna ee halkaasi ku sugnaa.

In ka badan 16 qof, oo askar iyo shacab isagu jiray ayaa ku dhimatay dagaalka Dhuusamareeb, soo lagu soo afjaray awoodii Ahlu Sunna ee gobolka Galgaduud, kuna qasbay hogaanka Kooxda inuu is dhiibo.

Dhuusamareeb ayaa hadda gacanta u gashay dowladda Federaalka, iyadoo Madaxweynaha dooran ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-Qoor], lagu eedeeyay inuu ku shaqeeyo amarrada Villa Soomaaliya uga yimaada.

Qoor-Qoor oo doorashadiisa khilaaf weyn hareeyay ayaa horey uga mid ahaa Gollaha Wasiiradda Khayre, isagoo iska-casilay xilka wasiiru dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud kahor doorashaddii Galmudug.

Siyaasiyiin ayaa sheegay in nidaamka Federaalka dalka uu hadda u muuqda mid khatar ugu jira inuu burburo, maadaama dowladda Soomaaliya ay duminayso maamullo xasilooni iyo kala dambeyn ka jirtay.

December 2018, dad shacab ah oo dhigayay dibadbax nabadeed ayaa lagu dilay magaaladda Baydhabo, waxaana toogtay ciidanka booliska dowladda Soomaaliya, waxyar kahor doorashadii C/casiis Lafta-gareen.

Billowgii 2019, Dowladda Federaalka ayaa dalka ka ceyrisay wakiilka QM ee Soomaaliya xilligaas, Nicholas Haysom kadib markii waqrad uu u qoray wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow oo uu ku waydiiyay inuu ka jawaabo dilka shacabka Baydhabo iyo xariga musharax xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mukhtaar Roobow.

GAROWE ONLINE 

 

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM