Ciidamadda oo guul ka sheegtay dagaal ay la galeen Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ciidamadda Soomaaliya ayaa guulo culus ka sheegtay dagaal xoogan oo ay degaanka Bululow ee ku dhow degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose kula galeen maleyshiyada Al-Shabaab.

Iska hor-imaadka ayaa yimid markii aagaas ay howlgal ka sameeyeen Ciidamadda Sidda Gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano Danab.

Saraakiil u warantay warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa shaaca ka dhigay in ay dileen dagaalameyaal iyo saraakiil sar-sarre.

Sidda laga soo xigtay sheegashadooda, horjoogeyaasha Al-Shabaab looga khaarijiyey howlgalkaas waxaa kamid ah Cismaan Fiidow, oo ahaa madaxii howlgelinta ee xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida.

"Konton kamid ah argagixisada ayaan ku dilay dagaalka. Meydadkooda waxay ku qaateen gaari dhayno ah. Horjoogaha waxay ku aaseen degaanka Buula-yarey Shiiqaal oo Shabeellaha Dhexe ka tirsan," ayay wariyeen.

Marka laga soo tago sheegashadooda, ma jiraan illo wareedyo si madax-banaan u xaqiijinaya khasaaraha dhinacyada kasoo gaarey dagaalka.

Al-Shabaab ayaan wali wax war ah kasoo saarin dagaalka, wallow aan looga baran in ay hadlaan marka waxyeelada dhinacooda u badan tahay.

Isku-dhacaan ayaa yimid saacado kadib markii ku dhowaad 20 kamida ciidamada Soomaaliya lagu dilay weerar jidgal ah oo Al-Shabaab kula eegatay nawaaxiga tuulooyinka Doonka iyo Bulolow ee Shabeellaha Hoose.

Illo wareedyo ayaa u sheegay mareega Garowe Online in dagaalkaas uu dhacay xilli ciidamadda ay wadeen roondo. "Ciidanka si adag bay u dagalaameen, balse waxaa u awood sheegtay xubno badan oo Al-Shabaab ah".

Xilli waddanka isku diyaarinayo doorashooyin, Al-Shabaab ayaa waxay u muuqaneysaa mid dib boorka uga jaftey weerarada joogtada ah iyaddoo isku dayeysa in ay ka faa'iideysato mashquulka badan ee ka jira dhanka siyaasadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed oo wajahaysa xiisad dagaal iyo loolan siyaasadeed

Xiisaddan ayaa la sheegay inay la xiriirto khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya hoggaanka Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    16-03-2026

  • 02:07PM

Koonfur Galbeed oo Federaalka ah ku Eedeysay "Olole dagaal iyo sumcad-dil"

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in ujeeddada ololahan ay tahay in lagu wiiqo horumarka iyo nabadgelyada gobolka.

  • Soomaliya

    16-03-2026

  • 11:34AM