Ciise Tarabuun oo la faray in uu tago safaaradda Soomaaliya ee Nairobi

Image

NAIROBI, Kenya – Cabdiwaaxid Khaliif Cabdi [Ciise Tarabuun] ayaa lagu wargeliyey in uu tago safaaradda Soomaaliya ee Nairobi, sidda uu baahiyey barnaamijka Galka Baarista ee VOA-da.

Qoyskiisa oo meesha ka saarey in uu ku lug-leeyahay arrimo argagixiso ayaa sidoo kale waxay kula taliyeen in uu u sheego Booliska goobta uu joogo kadib marka uu tago xarunta safaarada.

Ciise Tarabuun oo ay doondoonayaan laamaha ammaanka Kenya ayaa bishii Maaj e 2019-kii waxaa sii daysay dowladda Soomaaliya kadib markii uu "dhameystay xukun laba sano oo xarig ah".

Xukunkaas ayaa garka loo geliyay markii lagu eedeeyay Al-Shabaabnimo. Eedeymahaas oo lagu waayey ayaa waxaase loo xukumay dacwad kale oo ah "in uu amniga Qaranka halis uu ku yahay".

Illaa iyo haatan ma cadda hadii booliska Kenya ay gacanta ku dhigeen Ciise Tarabuun ama in uu kasii talaabaday wadankaas.

- Xisbul Islaam -

Ciise Tarabuun ayaa markii koowaad la qabtay 2015-kii. Qabashadiisa oo ka dhacay degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho ayaa timid markii uu ka jawaabay telefoonka sarkaal lagu raad-joogay.

Sarkaalkii uu telefoonkiisa ka jawaabay ayaa sanadkii 2016-kii waxaa duqeyn dhanka cirka ah ku dilay ciidamadda Mareykanka.

Mr Ciise oo xubin ka ahaa Xisul Islaam ayaa ku jiray raggii lasoo goostay Xasan Daahir Aweys. Balse markii uu yimid Muqdisho waxaa gabaad siiyey mid kamid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya.

Hay'adda Sirdoonka Soomaaliya ayaa xustay in markii Ciise Tarabuun xorriyadiisa loo celiyay 2016-kii ay isku afgarteen in uu la shaqeyn doono. Balse in uu jebiyey heshiiska waxay keentay in 2017-kii lasoo xiro.

- Amniyaatka -

Maxamed Abuukar Islow Ducaale, wasiirka haatan ee amniga, ayaa daboolka ka qaaday in Ciise uu ahaa Madaxa Amniyaatka Al-Shabaab ee gobolka Banaadir. Inta lagu guda jira su'aallo waydiinta wuxuu sheegay dhowr magac.

Cabdiwahaab Khaliif Cabdi, Cabdiwaaxid Khaliif Cabdi iyo Ciise Khaliif Cabdi waa magacyadda ugu jira diiwaan-gelinta laga qoray. Balse, sirdoonka wuxuu xaqiijiyey in magaciisa dhabta ah uu yahay Cabdiwaaxid.

Balse qoyskiisa ayaa ku adkeystay in uusan lahayn naaneesta Ciise Tarabuun. Waxayse ku qeexeen "Tima Jilac".

Warar dhanka mukhaabaraadka ah ayaa rumeysan in kadib sii deyntiisa uu baxay dhanka degaanada Al-Shabaab lana soo siiyey tababaro dheeraad ah uuna madax u ahaa qayb kamid ah koox ka howlgasha Muqdisho.

Bishii September 24-keeda ayuu ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho. Ciidamadda ammaanka madaarka oo bar garanayey ayaa joojiyey balse sarkaal ciidanka dowladda ka tirsan ayaa damiintay.

Illo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u dusiyey Garowe Online in bartilmaameedka socdaalkiisu yahay Suudaanta Koonfureed uuna wato Baasaboor ay ugu qoran tahay "ganacsadde".

Mudadii uu kamid ahaa Xisbul Islaam ayaa la sheegayaa in uu kamid ahaa taliyeyaasha ka howlgala aaga xaafadaha KPP illaa iyo isgoyska Tarabuunka ee degmadda Hodan, magaaladda Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM