Cilad ku timid diyaarad siday Soomaali laga soo tarxiilay Mareykanka

Image

Minnesota - 92 qof oo Soomaali ah oo laga soo masaafuriyay Mareykanka ayaa laga celiyay magaalada Dakar ee caasimadda wadanka Senegal.

Muwaadiniintan Soomaalida ah oo isagu jira rag iyo dumar ayaa la sheegay in aysan haysan sharciga dalka Mareykakan, waxaana laga soo qabtay gobollada dalkaasi.

War kasoo baxay waaxda socdaalka iyo xuduudaha Mareykanka ayaa sheegtay in cillado farsamo oo dhacay awgood ay Diyaaradii wadey dadkan ay dib ugu soo noqotey gudaha dalka Mareykanka.

Cillada ayaa lagu sheegay inay tahay in shaqaalihii iyo duuliyihii Diyaaradda ay aad u daalanaayeen, islamarkaana ay heli waayeen bedel iyo goob hotel ah oo ay ku nastaan intii ay diyaaradda ku sugnayd Garoonka magaalada magaalada Dakar ee dalka Senegal.

Waaxda socdaalka waxay tilmaantay in dib uu qorsheynayo tarxiilka 92-da qof, islamarkaana markale diyaarad looga soo qaadi doono Mareykanka, laguna soo celinayo Soomaaliya.

Qareenada u doodayay dadkan ayaa walaac ma muujiyay musaafurinta muwaadiniinta Soomaalida ah, oo qaarkood ay sheegeen inay sugayaan sharciyada oo sanado badan ay ku noolaayeen wadankaasi.

Haboon Cismaan oo odaygeeda Cabduqaadir Mayow uu kamid ah dadka lasoo musaafurinayo ayaa sheegtay in soo celintiisa dalka Meryaknak ay siinayso fursad kale oo ku raadsan karo sharciga Mareykanka.

Labada lamaane ayaa sifo sharci ah isku guursaday, laakiin Cabduqaadir Mayow la xiray maalmo kadib inta aysan dhigan xafladda arooskooda, waxayna ku noqotay dhacdo naxdin leh.

Maamulka Trump ayaa kordhiyay dadka Soomaalida ah ee uu kasoo musaafurinayo dalkaasi, iyadoo uu sheegay in xaaladda amni ee Soomaaliya ay soo hagaagayso.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM