Coronavirus: DF oo warar is-burinaya kasoo saartay kiisaska Somaliland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wallow aan si dhab ah loo ogeyn qadiyadaha daaha gedaahiisa ka socda, dowlada Soomaaliya ayaa u muuqata mid jahwareer uu ka haysto la tacaalida xaalada fayruska Corona.

Xaqiiqadaas ayaa soo ifbaxday kadib markii ay warar is-burinaya kasoo saartay kiisas laga soo sheegay magaalooyinka Berbera iyo Burco ee hoostaga maamulka gooni u goosadka ah ee Somaliland.

Shir jaraa'id oo xalay fiidkii ay Hargeysa ku qabteen mas'uuliyiinta Wasaarada Caafimaadka xukuumadda Muuse Biixi Cabdi waxay ku shaaciyeen in ay xaaladahaas ka heleen laba ruux.

Laba qof oo dhowaan kasoo laabtey dibadda ayaa midkood wuxuu u dhashay China, halka qof kale uu yahay ruux degaanka ah, balse dhowaan kasoo laabtey Ingiriiska oo dhalasho labaad uu ka haysto.

Ugu yaraan saacad kadib, baraha bulshada ee Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay jiraan kiisaskaas, wallow aysan xusin hadii ay xaqiijiyeen.

"Labo qof ayaa laga helay xanuunka Corona Somaliland Gudaheeda. Labadaan qof ayaa ah dad ka yimid wadanka dibadiisa. Midkod labada qof ee cudurka laga helay waa muwaadin Soomaaliyeed oo wata dhalashada wadanka Ingiriiska, halka qofka kale yahay Ajnabi," ayaa lagu yiri qoraalka.

Hase ahaatee, wasiir ku xigeenka wasaarada, Maxamed Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta oo Abraco ah shakiyey kiisaskaas, isagoo carabka ku adkeeyay in aysan u soo gudbin Hay’adda Caafimaadka Aduunka.

"Ma garaneyno sidda loo baarey mana heyno xaqiijinta Hay’adda Caafimaadka Aduunka,” ayuu u sheegay warbaahinta Muqdisho, isagoo u muuqda mid iska indhatiraya qoraalka xalay ee wasaaradda.

Ma cadda hadii hadalada kasoo yeeray wasiir ku xigeenka ay la socdaan madaxda kale ee wasaaradda sidda Wasiir Fowziya Abiikar Nuur, oo xiriiro lala sameeyay aysan suurtagelin isgaarsiinta lagu helo.

"Dowladda Soomaaliya waxay kaliya hubisay saddex kiis oo mid uu dhacay ajnabi ku sugan xerada Xalane, halka labada kelana ay yihiin muwaadiniin ka yimid dibadda," ayuu raaciyey Maxamed Saciid.

Wallow wasaaradu horey u balanqaadey in aysan siyaasadeyn doonin dedaalada lagula dagaalamayo xanuunka, wadashaqeynta siyaasadeed ee u dhaxeysa dowlada iyo maamulada dalka ayaa aad u hooseysa.

Sikastaba, Somaliland ayaa tan iyo sanadkii 1991-dii sheegata in ay ka madax banaan tahay Soomaaliya inteeda kale, balse caalamka wuxuu u aqoonsan yahay maamul goboleed si toos ah u hoostaga Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM

Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo beeniyay qoraal lala xiriiriyey

Beenintan ayaa imaanaysa xilli hogaamiyeyaasha labadan maamul ay joogaan Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:13AM