Covid-19: Khayre oo soo saarey amar ku wajahan hay'addaha gargaarka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kulan ay khadka internet-ka (video conference) ku yeesheen xubnaha guddiga Qaran ee ka hortagga Covid-19, ayaa looga hadlay wax ka qabashada xaaladaha taagan, dadaallada naf-badbaadinta, muhiimadda ay leedahay wacyi-gelinta bulshada iyo gargaaridda dadka nugul ee cudurku uu ku yeelanayo saameynta dhaqaale.

Guddiga ayaa kulanka kusoo bandhigay warbixinnadii ugu dambeeyay ee xaaladda COVID-19 ee dalka, dadaallada loogu jiro xakameynta faafitaankiisa, caqabadaha iyo fursadaha jira, waxaana la isku raacay in la dardar geliyo dadaallada socda, hannaan wadajir ahna loo abbaaro kahor-tagidda khatarta bulshada uga imaan karta cudurkaan safmarka ah.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo shirka guddoomiyay ayaa faray wasiirrada Qorsheynta, gargaarka iyo arrimaha gudaha in Hey’adaha dalka ka howl gala ay ku war geliyaan inay gargaaraan dadka danta yar ee dhibaatadu kasoo gaareyso saameynta COVID-19. Ganacsatada Soomaaliyeed ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ka codsaday inay qaybtooda ka qaataan kaalmeynta dadka nugul.

Khayre ayaa sidoo kale guddiga faray in sare loo qaado wacyi gelinta bulshada iyada oo ay ka qayb qaadanayaan Culimada, dhaqaatiirta iyo dhammaan dadka indhaha u ah bulshada, si dadka Soomaaliyeed ay wax badan uga ogaadaan cudurka, ayna qayb uga noqdaan dadaallada lagu xakameynayo.

"Guddiga Qaran ee ka hortagga Covid-19 oo dadaal xooggan ugu jira ka guuleysiga cudurka dunida dhibaatada badan ku haya, ayaa ku guuleystay fulinta qorshayaal badan oo qayb ka qaadanaya yareynta faafitaanka cudurka," ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska wasiirka koowaad Khayre oo nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online.

Shirkaan aaa imaanaya xili tirada kiisaska Covid-19 ee dalka ay gaareen 60, sidda ku xusan warbixintii u dambeysay ee wasaaradda caafimaadka. 24-kii saac ee lasoo dhaafay, kaliya Muqdisho waxaa laga diiwaan-geliyey 32, waxaana ay badankooda yihiin shaqsiyaad la kulmay bukaano horey u qaadey caabuqa. Dhamaantooda waa dad aan safar gelin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo shaaciyay xilliga uu shidaal qadista ka bilaabayo Soomaaliya

Bishii March, Muqdisho iyo Ankara ayaa kala saxiixday heshiis la xariira dhinaca Shidaalka iyo kheyraadka dabiiciga ah ee dhinaca Gaaska.

  • Soomaliya

    20-04-2024

  • 05:03AM

Dowladda Soomaaliya oo diidey soojeedin ka timid wadamadda G7

Dalabkan ayaa ahaa in uu wadaxaajood dhexmaro Muqdisho iyo Addis Ababa si loo qaboojiyo xiisadda taagan.

  • Soomaliya

    20-04-2024

  • 04:40AM