Cosoble oo Muqdishu u tagay arrimo la xariira xilka qaadistii lagu sameeyay

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha dhawaan kalsoonida lagala noqday ee maamulka HirShabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa galabta goor gaaban ka dagay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdshu.

Wararka soo gaaraya GO, ayaa sheegay in Cosoble uu caasumadda Somalia u tagay arrimo la xariira khilaafka ka taagan HirShabeelle iyo xil ka qaadistii dhawaan lagu sameeyay.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Garowe Online u sheegay in hogaaminayan la kulmi doono xubno katirsan dowladda Federaalka Somalia islamarkaana kala hadli doono xaaladda Cakiran ee maamulkaas wajahay.

Dhinaca kale Madaxweynaha xilka laga xayuubiyay balse wali aaminsan inuu yahay hogaamiye xaq ah ayaa la kulmi doono wakiillada beesha Caalamka ee ku sugan Muqdishu gaar ahaan xerada Xalane isagoo u gudbin doona dacwad ka dhan ah dowladda Somalia.

Dhawaan Cosoble ayaa eedeeyay DFS kadib markii uu sheegay inay mas'uul ka ahaayeen xilka qaadista lagu sameeyay.

Lama oga waxa arrintaas ka dhihi doonto beesha Caalamka iyo sheegashadiisa ah inuu yahay Madaxweyne rasmi ah islamarkaan mooshinkii xilka looga qaaday uu ahaa mid sharci darro ah.

Sidoo kale magaalada Muqdishu, waaxaa ku sugan Gudoomiyaha Barlamanka maamulka HirShabeelle, kasoo dhawaan magaalada Jowhar ka sheegay in sifo sharci ah xilkii looga qaaday Madaxweyne Cosoble.

Lama oga halka ay ku biyo shuban doonto khilaafka siyaasadeed ee ka dhex taagay mas'uuliyiinta maamulka ugu da'da yar dowladda goboleedyada ka jira dalka Somalia, kasoo dhibaato adag lagasoo maray yagleelistiisii.

GAROWEONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo beeniyay qoraal lala xiriiriyey

Beenintan ayaa imaanaysa xilli hogaamiyeyaasha labadan maamul ay joogaan Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:13AM

Qaramada Midoobay oo xaqiijisay war dhowaan uu baahiyay Garowe Online

Waxuu isbedelkan imaanayaa xili khilaaf siyaasadeed uu ka jiro Soomaaliya, oo ka dhashay wax ka bedelka dastuurka.

  • Soomaliya

    22-04-2024

  • 05:25PM