C/raxmaan Maxamed: Ninkii "isku dhiibay" DF ee isku qarxiyey Muqdisho

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Amniga waa mid kamid ah mawduucyadda aadka loo daneeyo Soomaaliya, balse ka hadalka sida ay u dhacaan falalka liddiga ku ah ayaa waxaa kasoo baxa su'aallo ku fadhiya malaayiin dollar ah.

Al-Shabaab, urur argagixiso ah, waa mid kamid ah caqabadaha ku xeeran nabad-gelyada dalka Geeska Afrika dhaca, wallow sanadihii u dambeeyay ay xeelado kala duwan u adeegsaneyso weerarada ay shacabka dhiiga ku daadineyso.

Gulufyadda maleyshiyaadkan oo isugu jira kuwa is-qarxin, weerar toos ah iyo dilal qorsheysan ayay laamaha ammaanka Soomaaliya rumeysan yihiin in laga shaqeeyo in muddo ka ah kahor inta aan la gaarin maalinta fulinta.

Is-miidaaminta oo sanadihii dambe gaar ahaan bilooyinkii lasoo dhaafay aad u soo kordheysay ayay xeel-dheereyaasha waydiimo badan ka keeneen marka ay dib u raaceen sooyaalka shaqsiyaadka fuliyey dhacdooyinkaasi.

Is-qarxinta oo isugu jira kuwa loo adeegsado baabuur uu naftii hore wado iyo mid uu qof isku soo rakibo walxo qarxa ayaa lagu ekeeyaa xarumaha dowladda iyo huteelka waaweyn ee magaala madaxda ku yaala.

Dhowaanahan ayaa waxaa soo baxayey xubno ka barbar-dagaalami jiray ururkan oo isu soo dhiibay Ciidamadda Dowladda ee ku kala sugan gobolada kala duwan ee dalka, wallow shaki laga muujinayo in ay ka dhab ka tahay.

Ragga kasoo goosta Al-Shabaab ee gacanta dowladda soo gala oo qaarkood fuliya is-miidaaminta ayaa la marsiiyaa xarumo lagu dhaqan-celiyo kahor inta aysan dhex-gelin dadweynaha, wallow ay dhacdo in qaarkood ay hareer-maraan.

Falkii ugu dambeeyay oo ahaa midkii lagu beegsaday xarunta gobolka Banaadir laguna khaarijiyey mas’uuliyiin uu duqii caasimadda uu ku jiro ayaa waxaa fulisay haweenay kamid ahayd howladeenadda Dowladda Hoose.

Balse waxaa jirta dhacdo kale oo aanan la sheegin muddana in lasoo bandhigo, waana sheekadda Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi, Shabaabkii isa soo dhiibay ee isku qarxiyey Hotel Dayax.

Cabdullaahi, oo dhowaan kasoo muuqday muuqaal ay baahisay kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida, ayaa si been abuur ah u sheegtay in uu kasoo goostay Al-Shabaab, isaga oo iska dhiibay ciidamada ammaanka maamulka Jubbaland.

Muuqaalka oo ay muuqato in laga duubay kahor inta uusan naftiisa iyo kuwa kale uusan geeri u horseedin ayuu ku sheegay "inuu ka carooday" dadka "lagu xasuuqayo qaybo kamid ah dalalka Islaamka".

Gacan ku dhiiglahan oo Febraayo 2014-kii lasoo bandhigay ayaa toogtay sarkaal sarre oo ka tirsanaa sirdoonka Jubbaland, Ciise Kambooni, kadibna dib ugu laabtay Al-Shabaab, isaga oo horey u qaatay qoriga.

Illo wareedyo dhanka amniga ah ayaa sheegaya in Cabdiraxmaan uu kamid yahay xubnaha aanan marin xarumaha dhaqan-celinta oo ku kala yaala magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo iyo Kismaayo.

Bishii Janaayo 2017-kii, isaga oo wata gaari ay ka buuxaan walxo qarxa, waxa uu isku qarxiyey huteel Dayax ee Muqdisho, halkaasi oo uu ku dilay in ka badan 20 u badan rayid, kuna dhaawacay tobanaan kale oo rayid u badan.

Laamaha ammaanka ayaa laga soo xigtay in xubnaha argagixisada kasoo baxsada ee aanan la gayn xarumaha dhaqan-celinta si fudud loo aamino iyaga oo waqtigooda ugu badan la qaata hay’addaha amniga.

Macluumaadyo la helay ayaa waxay tilmaamaya in shaqsiyaadkaasi qaarkood ay la nool yihiin Xildhibaano, mas’uuliyiin iyo beelahooda.

Marka laga tago in xubnaha qaar ay muddo kadib dib ugu laabtaan kooxda, balse waxaa la aaminsan yahay in ay jiraan xubno ku biira kuna milma laamaha ammaanka Soomaaliya, iyaga oo gudbinaya xogaha waaweyn ee dowladda.

Maxkamadda Sarre ee Ciidanka Soomaaliya oo dhowaan u digtay cid kasta oo gabaad-siisa dadka noocaasi ayaa shaacisay in laga qaadi doono talaabo lamid ah tan la marsiin lahaa ruuxa Shabaabka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM