​Cumar Cabdirashiid "Faro galin ayaa lagu hayaa doorashada Somalia" [Dhagayso]

Image

MUQDISHU, Somalia- Ra'isal wasaaraha waqtigiisu dhammaaday ee dowladda Federalka Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake ahna musharax u taagan xilka Madaxweynaha doorashadiisu dhacaysa 08 Febreuary, 2017, ayaa maanta saxaafadda uga waramay arrimo ku aadan waxqabadka xukuumaddiisa labadii sano ee u dambaysay.

Sharmaake, ayaa sheegay inay wax ka qabteen dhammaystirka nidaamka federaalka, kusoo dabaalista dalka xasilooni siyaasadeed iyo in wadatashi laga sameeyo qaabka laga dhigayo doorashada dhacaysa maadama la gaari waayay doorasho qof iyo cod ah.

Mudane CCC, sidoo kale wuxuu sheegay inay wax ka qabteen sidii maamullada iyo dowladda dhexe loo hagaajin lahaa xiriirkooda maadama isaga ka hor jireen khilaafyo badan.

Isagoo sii hadlaya ayuu murashaxan soo hadal qaaday culaysyo iyo farogalin uu sheegay inay ka imaanayaan waddamada dariska ah, isagoo ka codsaday in madaxbannaanida la ilaaliyo oo faraha looga qaado dadka Somaliyeed inay dhistaan dowladooda.

Inkastoo uusan cid gooni ah soo hadal qaadin hadana wuxuu tilmaamay in dalalka dariska la ah Somalia doonayaan sidii uu xilka u qaban lahaa murashax gooni ah taasoo culays lagu saarayo soo bixistiisa maamullada dalka ka jira.

“Waxaa jirta culeysyo runtii ka imaanaya dowladaha deriska, qaarkood, waxaa u sheegayaa inay naga dhaxeyso is qadarin iyo ixtiraam, amnigeeda gacanta nalaga siiyaa, AMISOM ayaa joogta, sideedaba ma ahan in Amniga gacanta nagala siinayo nagala faa’ideysto oo ajande siyaasadeed iyo musharax gaar culeys la saaro iyo in dowlad goboleedyada inay u dheeli tiraan siyaasada musharax gaar ah,"Ayuu yiri murashax Sharmake.

Hadalkan ayaa soo baxay xilli mudane Sharmake lagu dhaliilayo inuu gacan saar hoose la leeyahay mudane Xasan Sheekh Maxamud oo safar ugu maqan dalka Ethiopia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Soomaaliya waxay u baahan tahay dib-u-habeyn siyaasadeed 

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa ku adkeysanaya in dalka laga hirgeliyo nidaamkaas, isagoo ka go’an in uusan ka laaban.

  • Soomaliya

    02-11-2025

  • 12:51PM

Switzerland oo si qarsoodi ah Muqdisho ugu tarxiilayso muwaadiniin Soomaali ah 

Tan iyo markaas, Soomaaliya si joogto ah ayay uga diidday tarxiillada khasabka ah, iyadoo soo bandhigtay sababo amni iyo bani’aadamnimo.

  • Soomaliya

    02-11-2025

  • 05:18AM