​Cumar Cabdirashiid oo Garoonka diyaaradaha Kismayo kula kulmay Axmed Madoobe

Image

KISMAYO, Somalia- Ra'isal wasaraha Somalia ee waqtigu ka dhammaaday Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake, ayaa maanta booqasho gaaban ku tagay magaalada Kismayo gaar ahaan Madaaarka diyaaradaha isagoo dib uga soo laabta kadib markii uu la kulmay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Safarkan oo ahaa mid aan horay loo sii shaacin, ayaa Mudane CCC ku tagay magaalada Kismayo oo ay ka socoto doorashada xubnaha Aqalka hoose u matali doona maamulkaas.

Kulanka labada mas'uul ayaa ku saabsana arrimaha doorashada iyo soo xulista xubnaha Aqalka hoose ee ka socota magaalada Kismayo, waxaana hadal kooban oo warbaahinta siiyay Cumar Cabdirashiid uu sheegay inuu ku faraxsanyahay qaabka ay doorashadu u socoto.

Warar hoose oo warsidaha Garowe Online ka helay ilo wareedyo lagu kalsoonyahay, waxay sheegayaan in socdaalkaas la xiriiro ololaha uu Mudane Sharmake ugu jiro doorashada Somalia ka dhacaysa sannadkan iyo qaabkii uu xuuraansi hoose ugu samayn lahaa xubnaha Aqalka hoose ee Barlamanka ka mid noqonaya.

Horay, wuxuu safarro caynkan ah ugu tagay qaybo kamid ah dalka Somalia gaar ahaan Puntland, isagoo ka sameeyay olole doorasho uu ku codsanayo in Xildhibaanada kusoo baxa Aqalka hoose doortaan isaga.

Kulankaas kadib Cumar Cabdirashiid, ayaa kasoo noqday Garoonka diyaaradaha Kismayo isagoo la sheegayo inuu kusoo wajahanyahay dhinaca Puntland gaar ahaan Garowe.

Mudane Sharmake, ayaa la saadaalinayaa inuu yimaado caasumadda Puntland oo kusoo food leeyahay madaxweyne Gaas, halkaasoo uga sii gudbi doonaan magaalada Galkacyo oo lagu ballamay Jimcaha in laga sameeyo dhex-dhexaadin nabadeed oo ku saabsan khilaaf ka dhex yaalla maamullada Puntland iyo Galmudug.

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliiska oo Xiray TikTokers Heestii Ololaha Doorashadda Xasan Sheekh u bedelay Aflagaado

Xariggan ayaa dib u kiciyay dood adag oo ku saabsan doorka baraha bulshada ee Soomaaliya, gaar ahaan TikTok.

  • Soomaliya

    17-09-2025

  • 06:03AM

Maxay yihiin caqabadaha hortaagan in loo daabaco lacag cusub oo Soomaaliya leedahay?

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa saxaafadda u sheegay in guud ahaan mashruucu ku kacayo illaa $70 milyan.

  • Soomaliya

    17-09-2025

  • 05:39AM