Cumar Cabdirashiid oo ra'isal wasaare loo soo magacaabay

Image
Image
Image
Image

December 17, 2014 (GO)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhow Ra'isal Wasaare usoo magacaabay Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo markii ugu dambeysey ahaa safriika Soomaaliya u jooga USA horayna ra'isal wasaare uga soo noqdey dowladdii kumeel gaarka ahayd ee Shiriif Sheekh Axmed madaxweynaha ka ahaa.

Xaflad si weyn loosoo agaasimey oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Villa Somalia ayuu madaxweynuhu ka akhriyey digreetada uu kusoo magacaabay ra'isal wasaaraha.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Cabshirashiid Sharmaarke yahay shaqsi karti leh oo u qalma xilka loo dhiibey isagoo u rajeeyey guul Ilaahna uga baryey inuu u fududeeyo mas'uuliyada la saaray.

Ra'isal wasaaraha cusub oo isna si kooban munaasabadaas uga hadlay ayaa aqbalay islamarkaana soo dhoweeyey xilka loo magacaabay isagoo u mahadceliyey Madaxweynaha, Gudoomiyaha Barlamanka iyo xildhibaannada.

Ra'isal Wasaaruhu wuxuu ballan qaaday inuu sii amba qaadi doono shaqooyinka dowlada si loo gaaro higsiga 2016 isagoo xusay in sida ugu dhaqsaha badan uu xukuumaddiisa kusoo dhisi doono.

Cabdirashiid Sharmaarke ayaa sheegay in dhismaha xukuumadda uu kala tashan doono Madaxweynaha, guddoonka Barlamanka, xildhibaannada, maamul goboleedyada iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii wuxuu sheegay in qorshaha xukuumaddiisa oo dhameystiran isagoo faah faahsan uu dib warbaahinta uga soo gudbin doono.

Taariikh nololeedka Ra'isal Wasare Cabdirashiid oo kooban:

Cumar Cabdirashiid oo 54 jir ah waa wiilka madaxweynihii labaad ee Soomaaliya Cabdirashiid Cali Sharmaarke hooyadiisna waxaa la dhahaa Ruqiyo Daahir Cali Boos.

Magaalada Muqdisho ayuu ku dhashay  June 18, 1960, isla Muqdisho ayuu ku barbaaray kuna soo qaatay waxbarashadiisa asaasiga ah.

Wuxuu qayb kamid ah waxbarashadiisa sare ku qaatay Jaaamacadda Carleton ee ku taalla magaalada Ottawa ee dalka Canada, halkaasoo uu ku diyaariyey labo degree oo kala ah Culuumta Siyaasadda ( political science) iyo Siyaasadda Dhaqaalaha (political economy).

February 13, 2009 madaxweynihii dowladii ku meel gaarka ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa Cabdirashiid usoo magacaabay ra'isal wasaare.  September 21, 2010 ayuu xilkaas iska casilay kadib markii khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo madaxweynaha.

July 2014, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Cabdirashiid usoo magacaabay inuu noqdo dan-jiraha Soomaaliya ee dalka Marayakanka, kadib markii Maraykanku si rasmi ah u aqoonsaday dowladda cusub ee Soomaaliya.

Sharmaarke wuxuu horay Qaramada Midoobay ugala soo shaqeeyey dalalka  Sri Lanka iyo Sierra Leone, wuxuu sidoo kale la-taliye ahaan uga soo shaqeeyey gobolka Darfur ee dalka Sudan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM