Daacish oo sheegatay weerar ka dhacay magaaladda Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Kooxda la magac-baxday Dowladda Islaamka ayaa dusha saaratay mas'uuliyada weerar lagu dilay askari oo ka dhacay Muqdisho, caasimadda waddanka Soomaaliya.

Sidda ay goobjoogeyaal u sheegeen Garowe Online, weerarka ayaa Khamiistii ka dhacay xaafada Suuq Bacaad, degmada Yaqshid ee gobolka Banaadir.

Daleydii falkaas ka dambeysay oo dhaawacay askari kale ayaa ka baxsatay meesha ay wax ka dhaceen, oo laamaha ammaanka ay soo gaareen.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in gacan ku dhiigleyaasha ay horey u qaateen qoriga uu watay askariga oo booliska Soomaaliya ka tirsanaa.

Sheegashada Daacish ee khaarijintaan ayaa sarre u qaadeysa walaaca laga qabo in uu kordho joogitaan ururkan ee magaala madaxda dalka.

Daacish ayaa horey u qaadatay mas'uuliyadda dilal ka dhacay caasimada. Dadka ay beegsatay waxay isugu jireen askar iyo shaqaalaha shirkad isgaarsiineed.

Markii ay kordheen falalka ay kooxdan ka geysaneyso Muqdisho, Al-Shabaab ayaa iclaamisay dagaal ka dhan ah Daacishta Soomaaliya oo ay ku eedeysay "marin-habaabinta Jihaadka".

Dagaalameyaal dhowr ah ayay isaga kala dileen meelo ay kamid tahay Muqdisho, wallow bilooyinkii lasoo dhaafey ay hoos u dhaceen.

ISIL waxay gobolada Soomaaliya kaga xoogan Puntland, halkaasoo ay kasoo ifbaxeen 2015-kii. Cabdiqaadir Muumin, oo horey uga mid ahaa horjoogeyaasha Al-Shabaab waa Amiirkooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo beeniyay qoraal lala xiriiriyey

Beenintan ayaa imaanaysa xilli hogaamiyeyaasha labadan maamul ay joogaan Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:13AM

Qaramada Midoobay oo xaqiijisay war dhowaan uu baahiyay Garowe Online

Waxuu isbedelkan imaanayaa xili khilaaf siyaasadeed uu ka jiro Soomaaliya, oo ka dhashay wax ka bedelka dastuurka.

  • Soomaliya

    22-04-2024

  • 05:25PM