Dab ka kacay Suuq weyn oo ku yaalla magaalada Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Dab xooggan ayaa caawa ka kacay gudaha Suuq Bacaad, oo ah Suuqa labaad ee ugu weyn magaalada Muqdishu, ee Caasumdda dalka Somalia.

Goobjoogiyaal ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online in dabka uu kacay Salaadda Maqrib kadib, kadibna uu cagta mariyay Dhismooyin Ganacsiga oo badan, Dukaamo Cuntooyin iyo alaabo kala duwan lagu iibiyo.

Shaqaalaha Dab-demiska maamulka gobolka Banaadir, oo wata baabuurta Booyadaha Biyaha, ayaa goobta gaarey, kuwaasi oo sameynaya dedaallo ay ku deminayaan dabka.

Waxaa lagu soo waramaya in dabeylo socda ay si xowli ah dabka ugu sii fidinayaan qeybaha kale ee Suuqaasi. Lama oga waxa keenay inuu dabka kaco, balse Ganasatada qaar oo la hadlay GO ayaa sheegay inay u maleynayaan cillada Koronto.

Wararka ayaa sheegaya inay socdaan baaritaan ay wadaan Saraakiisha amniga degmada Yaaqshiid, ee ah halka uu ku yaallo Suuq Bacaad.

Inta badan Suuqyada Muqdishu waxaa ka kaca dab noocan ah, oo baabi'iya hanti badan oo Ganacsato leeyihiin, iyadoo jiriin Hay'ado gaar ah oo maamulka gobolka u xil-saarey wax-kaqabashada musiibooyinkan soo noq-noqonaya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM