Dabley kusoo dhex-dhuumatay banaanbaxii Muqdisho oo la qabtay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliska Booliska Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in uu gacanta ku dhigay dabley "kusoo dhex-dhuumatay" banaanbaxyadii shalay ka dhacay magaala madaxda dalka ee Muqdisho.

War-saxaafadeed kasoo baxay taliska oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa tiradda kooxda hubeysan ku sheegay shan.

Laba kamid ah raggaas ayaa hubeysanaa, sidda ku cad warka qoraalka ah oo tibaaxay "in ay damacsanaayeen maleegida dhagar".

"Ciidamadda Booliska Soomaaliyeed oo kaashanaya Sirdoonka Caasimadda ayaa maanta [Sabti, 25, April, 2020] gacan ku dhigay shan nin oo laba midda ay hubeysanaayeen kuwaas oo ku dhex-dhuumanayey shacabkii maanta ku mudaaharadayey dhinaca Daljirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho damacoodana uu ahaa maleegida dhagar," ayaa lagu yiri qoraalkan ku taariikheysan 25-ka bisha April sanadka 2020.

Marka laga soo tago shaacinta warkaan, taliska ma uusan soo bandhigin caddeymo iyo muuqaalka shaqsiyaadka eedeysanayaasha ah.

Illaa iyo haatan ma cadda kooxda ay ka tirsan yihiin raggaas. Balse, caasimadda waxaa si isku mid ah uga howlgala Al-Shabaab iyo Daacishta Soomaaliya, wallow ay hooseyso saameyntooda dhaqdhaqaaqa.

Haddii la xaqiijiyo arrintaan, waxay noqon kartaa halis kale. Booliska wuxuu ku waaniyey dadweynaha magaala madaxda in ay feejignaadaan.

Isu-soo-baxyaddii shalay gilgilay magaala madaxda Soomaaliya ayaa ka dhashay dilka laba qof oo shacab ahaa – haweenay umul ahayd iyo wiil dhalinyarro ah, kaas oo dhowaan qorsheynayey in uu guursado.

QORAALKA BOOLISKA

Image

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM